​Dabaal deg ka socda magaalada Garowe

Image

GAROWE, Puntland- Dabaal xoog leh ayaa kasocda magaalo madaxda Puntland ee Garowe kadib doorashadii Madaxweynaha Somalia ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Dadweyne xamaasadaysan ayaa isugu soo baxay barxadda Garowe ka hor dhammaadka wareegii laad iyadoo aan la shaacin natiijada.

Shacabka ayaa taageero aan kala har lahayn u muujiyay Farmaajo, waxayna sheegeen inay ku faraxsanyihiin guusha uu ka gaaray loollankii muddoonkii dambe kasocda xarunta dalka Somalia ee Muqdishu.

"Waan ku faraxsanahay in la doorto Farmaajo, waa wadani dadka Somaliyeed jecelyihiin, waxaan aaminsanahay inuu hormar gaarsiin doono dalka iyo dadka Somaliyeed, waxaana alle uga bar-yayaa inuu xilka eebbe u sakhiro," Sidaas waxaa GO u sheegay mid kamid ah taageerayaashii Garowe ku dabaal dagayay.

Dhinaca kale, waxaa magaalada fiidkii hore qaybo kamid ah laga maqlyay rasaas xoog leh oo loogu dabaal dagayo Farmaajo taasoo aan la ogayn cidda risadaysay.

Qaar kamid ah taageerayaasha Farmaajo oo la si xiriir ah usoo booqanayay ilaa Caawa warbaahinta Radio Garowe, waxay rajo wanaagsan ka muujiyeen inuu wax-badan ka qaban doono xaaladda dalka iyo dadka Somaliyeed.

Doorashada Farmaajo ayaa kusoo beegantay xilli abaaro iyo colaado baahsan ka jiraan gobollada Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM