​Dablay hubaysan oo Shacab ku laysay gobolka Mudug [Dhagayso]

Image

GALKACYO, Puntland- Mallayshiyaad hubaysan oo dadka deegaanku rumaysanyihiin inay kasoo jeedaan dhinaca maamulka Galmudug, ayaa dad shacab ah ku Laayay deegaanka Laan Qawar oo hoos yimaada degmada Jariiban ee gobolka Mudug.

Weerarka oo dhacay Fiidkii hore ee xalay, ayaa wararku sheegayaan inay ku dhinteen ilaa 5 qof oo isku qoys ah kuwaasoo waxyeello kasoo gaartay rasaas Ooda looga qaaday xilli ay ku sugnaayeen hoygooda.

Qoska dhibku soo gaaray ayaa ahaa Reer Guuraa.

Guddoomiyaha deegaanka Balli Busle ee gobolka Mudug, Maxamed Cali Shire, ayaa Radio Garowe u xaqiijiyay weerarkaas iyo dadka lagu dilay.

Maxamed ayaa xusay in Dhibaatadaas sidoo kale uu ku dhaawacmay ruux kale oo ah Gabar.

Arrintan ayaa la aaminsanyahay inay la xariiro aanooyin qabiil oo salka ku haya colaado muddo soo taagnaa.

Shire ayaa waraysigiisa ku xusay in dadka dhibaatada gaystay dhawaan dhigteen gogol ay ku doonayaan in daaqsinka wax laga siiyo maadama abaaro ba’an ay ka dhaceen gobolka.

Maamulka gobolka Mudug iyo dhammaan laamaha dowladda ayuu tilmaamay inay ka warqabaan xaaladdaas, isagoo ugu baaqay inay mas’uuliyad ka saarantahay difaaca waddanka iyo dadka intaba.

Maaha markii ugu horaysay oo weerar noocaan ah ka dhaco deegaamo ku dhow Balli Busle.

Dadkii weerarka gaystay ayaa goobta ka baxsaday kuwaasoo maamulka Balli Busle aaminsanyihiin inay ka badnaayeen 10 ruux oo hubaysan.

Mashaqadan ayaa kusoo aaday xilli wasiirrada Puntland iyo Galmudug ay shir ku leeyihiin magaalada Galkacyo iyagoo ka hadlaya xasiloonida Mudug iyo furista xuduudaha labada maamul.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM