Dabley dil iyo dhaawac ka geysatay magaaladda Boosaaso

Image

BOOSAASO, Puntland - Hal askari ayaa dhintay mid kalena waxaa soo gaaray dhaawac kadib markii kooxo hubeysan ay rasaas ku fureen duhurnimadii maanta, bartamaha magaalada Boosaaso.

Gacan ku dhiigleyaasha ayaa baxsaday, sida ay goobjoogayaal u sheegeen VOA-da, mana jirto wax war ah oo laamaha ammnigu ka soo saareen toogashada.

Askarta la beegsaday ayaa ka tirsanaa ciidan boolis ah oo la shaqeynayey Waaxda Canshuuraha Berriga ee wasaaradda maaliyada Puntland.

Bukaanka ayaa lagu daaweynayaa Isbitaalka magaaladda Boosaaso, mana ahan markii ugu horeysay oo fal noocaan ah uu ka dhaco xarunta gobolka Bari.

Maleeyshiyaadka argagixisadda ah ee Al-Shabaab iyo Daacish ayaa falal liddi ku ah nabad-gelyadda ka geysta magaala madaxda ganacsiga ee dowladda Puntland.

21-kii Janaayo, 2020, dabley ka tirsan ururka ISIL faraca Soomaaliya ayaa toogatay Jaamac Maxamed Quurshe, oo soo noqdey Gudoomiyaha degmada Qandala.

20-kii Janaayo, 2020, ciidanka booliska iyo cutubyada sida gaarka ah u tababaran ee PSF ayaa fashiliyey qaraxyo lagu diyaariyey guri kaasoo ay ku duuleen markii ay macluumaadkiisa heleen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM