Dabley dil iyo dhaawac ka geysatay magaaladda Boosaaso

Image

BOOSAASO, Puntland - Hal askari ayaa dhintay mid kalena waxaa soo gaaray dhaawac kadib markii kooxo hubeysan ay rasaas ku fureen duhurnimadii maanta, bartamaha magaalada Boosaaso.

Gacan ku dhiigleyaasha ayaa baxsaday, sida ay goobjoogayaal u sheegeen VOA-da, mana jirto wax war ah oo laamaha ammnigu ka soo saareen toogashada.

Askarta la beegsaday ayaa ka tirsanaa ciidan boolis ah oo la shaqeynayey Waaxda Canshuuraha Berriga ee wasaaradda maaliyada Puntland.

Bukaanka ayaa lagu daaweynayaa Isbitaalka magaaladda Boosaaso, mana ahan markii ugu horeysay oo fal noocaan ah uu ka dhaco xarunta gobolka Bari.

Maleeyshiyaadka argagixisadda ah ee Al-Shabaab iyo Daacish ayaa falal liddi ku ah nabad-gelyadda ka geysta magaala madaxda ganacsiga ee dowladda Puntland.

21-kii Janaayo, 2020, dabley ka tirsan ururka ISIL faraca Soomaaliya ayaa toogatay Jaamac Maxamed Quurshe, oo soo noqdey Gudoomiyaha degmada Qandala.

20-kii Janaayo, 2020, ciidanka booliska iyo cutubyada sida gaarka ah u tababaran ee PSF ayaa fashiliyey qaraxyo lagu diyaariyey guri kaasoo ay ku duuleen markii ay macluumaadkiisa heleen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM

Puntland oo Qabanaysa Shir Ku saabsan Dhismaha Dawladnimada Soomaaliya

Madaxweyne Deni ayaa intaa ku daray, “Siyaasiyiintu mararka qaar waxay leeyihiin danahooda gaarka ah.

  • Puntland

    11-12-2025

  • 09:39AM