Dabley weerartey xarun ganacsi oo ku taalla magaalada Boosaaso

Image
Boosaaso ayaa maalmihii dambe waajahday weeraro xilli madaxweyne Deni uu dalka dibadiisa ku maqan yahay.

BOOSAASO, Puntland - Hal qof ayaa geeriyooday kadib markii bam-gacmeed lagu weeraray xarunta shirkadda Al-Macruuf ee magaalada Boosaaso xarunta ganacsigga maamulka Puntland.

Faahfaahin ayaa kasoo baxaya weerarkan dhacay xalay ayaa muujineysa in uu ku bilowdey toogasho loo geystay waardiyihii ku sugnaa goobtan loo tukaameysi tago.

Toogashada ilaaliyaha oo ay geysteen koox hubeysan oo qeybtooda aan la gareyn waxaa xigtey dab ka kacay dhismaha lamana oga waxa rasmiga ah ee sababay.

"Inta badan dhismaha ayaa bas-beelay kadib markii dab damiskii halkaasi tagay ay biyihii ka go'een," ayuu yiri qof goobjooge ah oo khadka telefoonka ugu waramay Garowe Online.

Laamaha ammaanka xarunta gobolka Bari ayaan wali faah-faahin ka bixin dhacdadan. Xiriiro ay la sameysay warbaahinta maxaliga ah ayaa guuleysan waayay in la helo codadkooda.

Boosaaso ayaa maalmihii dambe waajahday weeraro xilli madaxweyne Siciid Cabdulaahi Deni uu dalka dibadiisa ku maqan yahay isla markaana aan faah-faahin laga hayn ujeedada safarkiisa.

Deni oo ku guda jira bilooyinkii ugu dambeeyay muddo xileedkiisa ayaa dhowrkii bilood lasoo dhaafay waxa uusan xaadirin xafiiskiisa shaqo ee Garowe taas badalkeedana safaro ku badashay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM