Puntland oo maxkamad ku dacweysay Universal TV

Image

GAROWE, Puntland- Waxaa maanta maxkamadda darajada Kowaad ee magaalada Garowe ka furmay dacwad la xariirta kiiska dowladda Puntland u haysato TV-ga Universal.

Xeer ilaaliyaha maxkamadda ayaa warbaahinta u sheegay in xukuumaddu cadaymo u hayso dhammaan qodobada lagusoo eedeeyay oo isugu jira; Iska hor-keenista shacabka iyo dowladda, khal-khal galinta amniga iyo faafinta warar been abuur ah.

Goobta dacwaddu ka furantay, waxaa joogay maamulka warbaahinta Puntland ee MAP, xubno matalayay TV-ga la dacweeyay iyo qareeno u doodayay.

Sheekh Saciid oo kamid ah dadka difaacaya muuqaal baahiyahan fadhigiisu yahay London, ayaa sheegay in dowladda looga baahanyahay inay xayiraadda ka qaado Univrsal TV isagoo ku dhaliilay inay si khaldan u martay xarigiisa.

Wuxuu sheegay in dacwaddan ku guulaysan doonaan.

Dood dheer oo dhex-martay qareenada labada dhinac ayaa markii dambe, waxaa garsooraha maxkamada darajada 1aad ee Gobolka Nugaal uu shaaciyay in kiiskan dib loo dhigo maadama uu dhaliyay muran badan, sidaas darteedna dib la isugu soo laaban doono 14/03/2017 oo ah maalinta beri ah.

Dowladda Puntland, ayaa amarta 5 Bisha Shanaad, 2017 in albaabada la isugu laabo xafiisyada uu muuqaal baahiyahan ku leeyahay magaalooyinka Puntland.

War-qadda lagu xiray ayaa waxay kasoo baxday xafiiska wasaaradda warfaafinta uu ku saxiixnaa ku-xigeenka wasiirka kasoo maanta goob joog u ahaa gal-dacwadeedkii ka furnaa maxkamadda darajada koowaad ee magaalada Garowe.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM