Dad cudurka Shubanka ugu geeriyooday Saaxo

Image

GALKACYO, Puntland- Cudurka Shuban-Biyoodka ayaa ka dillaacay degmada Saaxo ee gobolka Mudug, halkaasoo ay aad u saamaysay abaarta baahsan ee ka jirta dalka Somalia.

Cudurkan ayaa soo ritay 24-kii saac ee ugu dambeeyay in kabadan 20 qof, waxaana nafta waayay Labo kamid ah sida uu Warbaahinta gudaha u xaqiijiyay Isu duwaha wasaaradda Caafimaadka Puntland ee gobolka Mudug, Cabdixakiim Axmed.

Isagoo ka hadlayay cudurkan iyo asbaabaha keenay, wuxuu sheegay inay kow ka tahay abaarta ka jirta gobolka iyo inay dadkaas isticmaaleen biyo aan nadiif ahayn.

Isu Duwaha, ayaa xusay inay  wadaan dadaal xoogan oo ku aadan sidii loola tacaali lahaa dadka cudurku soo ritay.

Cudurkan ayaa saamaynta ugu badan u gaystay Carruuta iyo Waayeelka. Dadka bukuunada ayaa iminka lagu dabiibayaa degmada Saaxo.

Guud ahaan 50 qof ayaa cudurkan u jiifa cusbitaal ku yaalla magaaladaas.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM