Dad loosoo qabtay weerarkii lagu dilay gudoomiyihii gobolka Nugaal

Image

GAROWE, Puntland – Taliska booliska Puntland ayaa wuxuu shaaca ka qaadey in ay dad u soo qabteen weerarkii ismiidaaminta ee fiidnimadii xalay ka dhacay Barxada magaaladda caasimada ah ee Garowe.

Muxyadiin Axmed Muuse, taliyaha bileyska oo u waramay BBC-da, ayaa carabka ku adkeeyay in ay fahfaahinta oo dhameystiran ay soo bandhigi doonan marka ay baarista soo idlaato.

"Waa dad aan tuhun kusoo qabanay, qofka illaa maxkamada la keeno oo wax ku cadaadaan waa tuhun kaliya, markaa raadka meel fiican ayuu noo marayaa," ayuu hadalkiisa ku daray.

Isagoo sii hadlaya, wuxuu qiray suurtagalnimada in mudada baarista ay dheeraato "sababtoo ah argagixisada kiisaskeedu xargo badan buu leeyahay, in aan wada gaarno baan rajeyneynaa".

Falkaas argagixiso oo ay sheegteen maleeyshiyaadka Al-Shabaab ayaa sababay dhimashada gudoomiyihii gobolka Nugaal, Cabdisalaan Xasan Xirsi iyo dhaawac sarkaal ciidan si lamid ah askari kale.

Garowe, oo ay dhif iyo naadir ku yihiin dhacdooyinka noocaas ah, ayaa kamid ah magaalooyinka ugu nabdoon Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya.

Dhanka kale, madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni, oo sheegay in laamaha amniga ay dabagal ku wadeen is-miidaamiyaha, ayaa ku adkeystay in falkaas uusan ka weecin doonin la dagaalanka argagixisada.

Xili uu ku nuux-nuux saday in "cawaaqib" ay la kulmi doonan dabiileyaasha, shacabka Puntland ayuu ku booriyey in ay kala shaqeeyaan xukuumadda iyo ciidamadda xaqiijinta amniga.

Maleeyshiyaadka Al-Shabaab iyo Daacish ayaa ku dhuumaaleysta degaanada buuraleyda ah ee gobolka Bari, halkaasoo ciidamada difaaca Puntland iyo diyaaradaha Mareykanka ay har iyo habeen ku baacsanayaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM