Dadweynaha Garowe oo soo dhoweeyey magacaabista R.W Cumar

Image

December 18, 2014 (GO)- Dadweynaha ku dhaqan Puntland ayaa soo dhoweeyey magacaabista ra'isal wasaaraha cusub Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke.

Radio Garowe ayaa maanta maykrafoonka la dhex qaaday dadweynaha ku nool magaalo madaxda Puntland ee Garowe.
Badi dadku way soo dhoweynayaan Ra'isal Wasaaraha inkastoo ay jiraan qaar  aan taageersaneyn.

Dadka taageersan magacaabista ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh ku ammaanay go'aanka uu qaatay, maadaama sida ay sheegeen Cumar Cabdirashiid howshan aqoon iyo waayo aragnimo ku filan u leeyahay.

Todobaadka soo socda ayaa lagu wadaa in Barlamanka Federaalku codka kalsoonida u qaado Ra'isal Wasaaraha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Guulo Weyn Ka Gaaray dagaalka Buuraleyda Cal-Miskaad

Hawlgalka ayaa sidoo kale lagu helay meydadka dagaalyahanno la rumeysan yahay in lagu dilay duqeymo uu qaaday AFRICOM.

  • Puntland

    06-10-2025

  • 01:11PM

Markab Ganacsi oo Dab Qabsaday isagoo Kusoo jeeda Boosaaso, Puntland

Warbixinno dheeraad ah ayaa muujinaya in markabkan uu leeyahay shirkad lagu magacaabo HRM and Sons.

  • Puntland

    23-09-2025

  • 09:46AM