Dagaal Beleed ka dhacey gobolka Karkaar Puntland

Image

Dec 15, 2014 [ GO]- Wararka warsidaha Garowe online ka helayo gobolka Karkaar ayaa xusaya iney ka dhaceen dagaal Beleed u dhexeeya qabaa'ilka Cali Saleebaan iyo Ugaar Saleebaan.

Dagaalkaan oo ka dhacey halka u dhexeysa degaanka Rako iyo Xoonbeys ayaa wararku sheegayaan in khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah gaystey.

Isgaarsiinta oo xun ayaa waxaa yar wararka laga helayo khasaaraha dagaalkaan inta uu leegyahay balse warar hordhac ah ayaa sheegaya in Beelahaas walaalaha ah iska dileen dad gaaraya Shan qof halka dhaawaca kor u dhaafayo Tobaneeyo.

Dagaalkaan  u dhexeeya Beelahan wada dhashey ayaa in muddo ah socdey iyadoo heshiisyo horey looga gaarey bur-bureen.

Dowladii hore ee Madaxweyne Cabdiraxman Farole ayaa dhexdhexadisay Beelahan wada dhashay halka Xukumadda Cabdi-weli Gaas dhowaan kuwada hadalsiisey odayaal labada dhinac ah magaalo madaxda Puntlnd ee Garowe.

Xukuumada Puntland ayaan weli ka hadlin khasaaraha dagaladaan iyo in loo direy ciidamo kala dhex-gala qabaa'ilka walaalaha oo halkaas ku dagaalamaya.

Madaxweynaha Puntland ayaa safar ku jooga dalka Ethiopia iyadoo wararku sheegayaan in halkaas kulamo kula leeyahay shirkado kuwa shidaalka baara ah.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiir Axmed Maclin Fiqi oo jawaab ka helay Puntland

Khilaafkan ayaa sidoo kale saameyn ku yeeshay dadaallo lagu doonayay in lagu xalliyo murannada ka taagan hannaanka doorashooyinka.

  • Puntland

    01-02-2026

  • 12:41PM

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM