Dagaal culus oo ka qarxay Koonfurta gobolka Sool

Image

GAROWE- Waxaa saaka aroortii dagaal ka dhex-qarxey labo beelood oo walaala ah oo wada-daga Koonfurta gobolka Sool, kaasoo la sheegay inuu sababey khasaaro dhimasho iyo dhaawac leh.

Dagalakaan ayaa sida wararka lagu helayo dhexmaraya beelaha Bah-hararsame iyo Qayaad kuwasoo colaad hore ka dhexeysey.

Xogaha laga helayo dagaalkaan oo aad u yar madaama dhulka baadiyaha ee lagu dirarayo isgaarsiintu fiicneyn ayaa waxaa la sheegaya in weerarka hore ay soo qaadey beesha Bah-harassame kuwasoo la sheegey iney ku qabsadeen tuulo beesha Qayaad daganayeen.

Dhimashada ayaa la sheegayaa in ilaa hadda gaareyso 8 Qof labada dhinac ah iyadoo ay dhaawacyo jiraan.

Wadahadal u socdey labadaan beelood oo maamulka Somaliland garwadeen ka ahaa  ayaa bur-burey maalmihii lasoo dhaafey waana midda keentey in dagaalkaan mar-kale qarxo.

Dagaalka u dhexeeya labadaan beelood ee kawada tirsan qabiilka dhulbahante ayaa sidoo kale waxaa xalintiisa ku guuldarrystey  siiyaasiyiinta beeshaan oo xilalka ka haya maamulka Puntland kuwaasoo waqtigaan dib u raadinaya in dib u soo doorto.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda.

  • Puntland

    08-11-2025

  • 01:13PM

Puntland oo Beenisay Warbixin ay Qortay Middle East Eye

Warbixintaas oo cinwaan looga dhigay “Inside the UAE’s secret operation at Somalia-Sudan Bosaso” ayaa ku dooday…

  • Puntland

    07-11-2025

  • 11:07AM