Dagaal culus oo ka qarxay Koonfurta gobolka Sool

Image

GAROWE- Waxaa saaka aroortii dagaal ka dhex-qarxey labo beelood oo walaala ah oo wada-daga Koonfurta gobolka Sool, kaasoo la sheegay inuu sababey khasaaro dhimasho iyo dhaawac leh.

Dagalakaan ayaa sida wararka lagu helayo dhexmaraya beelaha Bah-hararsame iyo Qayaad kuwasoo colaad hore ka dhexeysey.

Xogaha laga helayo dagaalkaan oo aad u yar madaama dhulka baadiyaha ee lagu dirarayo isgaarsiintu fiicneyn ayaa waxaa la sheegaya in weerarka hore ay soo qaadey beesha Bah-harassame kuwasoo la sheegey iney ku qabsadeen tuulo beesha Qayaad daganayeen.

Dhimashada ayaa la sheegayaa in ilaa hadda gaareyso 8 Qof labada dhinac ah iyadoo ay dhaawacyo jiraan.

Wadahadal u socdey labadaan beelood oo maamulka Somaliland garwadeen ka ahaa  ayaa bur-burey maalmihii lasoo dhaafey waana midda keentey in dagaalkaan mar-kale qarxo.

Dagaalka u dhexeeya labadaan beelood ee kawada tirsan qabiilka dhulbahante ayaa sidoo kale waxaa xalintiisa ku guuldarrystey  siiyaasiyiinta beeshaan oo xilalka ka haya maamulka Puntland kuwaasoo waqtigaan dib u raadinaya in dib u soo doorto.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM