​Dagaal deegaanka Af-ururshe ku dhexmaray ciidanka Puntland iyo Al Shabaab

Image

BOSASO, Puntland- Wararka ka imaanay Buuralayda Galgala ee gobolka Bari, ayaa sheegaya in mallayshiyaad katirsan Al Shabaab weerar kusoo qaadeen fariisin ciidanka difaaca Puntland ku lahaayeen halka lagu magacaabo Af-ururshe.

Falkaas ayaa kalifay iska hor imaad dhexmaray ciidanka dowladda iyo mallayshiyadaas goor dambe xalay, waxaana ka dhashay khasaaro kala duwan.

Iska hor imaadka oo muddo socday, ayaa kadhacay halka lagu magacaabo Af-ururshe oo fariisin ku leeyihiin ciidanka dowladda Puntland.

Majirto cid si madax bannaan u xaqiijisay qasaaraha dagaalkas. Xiriiro aan la samaynay saraakiisha ammaaanka iyo maamulka gobolka Bari, waxay ka gaabsadeen inay faah faahin ka bixiyaan iska hor imaadkii xalay ka dhacay deegaankaas.

Balse dadka deegaanka ayaa xaqiijiyay in xalay halkaas ka dhacay dagaal muddo kooban socday.

Arrintan ayaa imaanaysa xilli buuraha Gal-gala ku suganyihiin mallayshiyo katirsan Shabaab, waxaana goobtaas fariisimo ku leh ciidanka difaaca Puntland.

Sannadkii hore, Shabaab ayaa miino u dhigtay gaadiid ciidankaasi isticmaalayeen, waxaana ku dhintay qaar kamid ah askarta dowladda.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM