Dagaal u dhaxeeya Al-Shabaab iyo ISIL oo ka qarxay bariga Puntland

Image
Isgaarsiinta degaanka ayaa la xayiray. Isu-socodka aggaas ayaa sidoo kale la joojiyey.

BOOSAASO, Puntland - Dagaal u dhaxeeya maleyshiyaad ka kala tirsan Al-Shabaab iyo Daacish ayaa kasoo cusboonaadey bariga Puntland, sidda uu warsidaha Garowe Online u xaqiijiyeen mas'uul ammaan.

Illo wareedyo ayaa caddeeyay in iska-hor-imaadka uu dagaalameyaasha ka kala tirsan labadda kooxood xagjirka ah uu ka dhacay degmadda Balidhidin ee gobolka Bari.

Illaa haatan si dhab ah looma ogga waxa sababay dagaalka. Mas'uuliyiinta ammaanka dowladda Puntland ayaan wali war rasmi ah kasoo saarin colaadda ka dhex-qarxdey labada daraf.

"Isgaarsiinta degaanka ayaa la xayiray. Isu-socodka aggaas ayaa sidoo kale la joojiyey. Khasaaraha dhimasho iyo dhaawac ee soo kala gaarey wali lama xaqiijin karo," ayuu raaciyey sarkaal dhinaca sirdoonka ah.

Sarkaalkan oo codsadey in aan magaciisa lasoo xigan sababo ku aadan in aan loo ogolayn in uu la hadlo warfidiyeenka ayaa rumeysan in ay u badan tahay in dagaalkan salka ku hayo "colaadii soo jireenka ahayd".

Xoogaga argagixisadda ah ee Al-Shabaab iyo Daacish ayaa horey buuraha Cal-miskaad isla gobolkaas waxay ku dagaalameen dhamaadka sanadkii 2018-kii iyo bilowga xagaagii 2019-kii.

Tan iyo xilligaas, waxaa dhexmartey tacshiirad kooban. Mukhaabaraadka Soomaaliya iyo reer galbeedka ayaa rumeysan in dagaaladaas ay labada kooxood ku waayeen dagaalameyaal iyo horjoogeyaal unugyo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Gollaha Wakiillada Puntland oo Xubinimo ka qaaday Cabdirashiid Yuusuf Jibriil

Cabdirashid, oo dhowaan dib ugu soo noqday Puntland, ayaa lagu eedeeyey inuu khatar geliyey amniga guud ee Puntland.

  • Puntland

    15-07-2025

  • 12:42PM

Duqeyn Cirka oo Mareykanku Ka Fuliyay Puntland

Wuxuu ballan qaaday in Mareykanku sii wadi doono taageerada uu siiyo ciidamada Soomaaliya si ay u gaaraan xasillooni buuxda.

  • Puntland

    08-07-2025

  • 12:35PM