Dagaalka Galkacyo oo joogsaday iyo khasaaraha oo kordhay

Image

22 November, 2015(GO)-Xaalada magalada Galkacyo ayaa caaadi ku soo noqotay kadib dagaal xooggan oo saaka ka dhacay magalada Galkacyo kaasi oo u dhaxeeyay maamulka Puntland iyo mallayshiyaad taabacsan Galmudug.

50 qof oo isug jira labada dhinaca ayaa ku dhaawacantahay sida ay xaqiijiyeen Gudoomiyihiin hore gobolka Mudug ee dhinaca Galmudug iyo Agaasimaha cusbitalka Galkacyo, waxaana ku dhintay labo qof oo ka kala tirsan dhinacyada dagaallamay.

Dagaalka ayaa oo la isu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Taliyaha ciidanka Birmadka gobolka Mudug Cabdirashiid Xuseen Xaashi Gabi-Gabi oo warbaahinta kula hadlay Galkacyo,ayaa tilmaamay inay haatan ku suganyihiin afaafka hore goobta dagaalku saaka ka dhacay, wuxuuna sheegay inay diyaar u yihiin difaaca dalka.

Khaasaraha ugu badan ee dagaalkan ka dhashay ayaa saameeyay dadka rayidka ah, kuwaasi oo goryahooda iyo goobaha waxbarashada ugu tageen rasaas iyo madaafiic ka timi dhinaca Galmudug.

Dagaalkan ayaa ka biloowday waddo laami la saari lahaa taasi oo bannaytiisu ka socotay xaafadda Garsoor ee magalada Galkacyo.

Waxgarad iyo nabadoono ku dhaqan magalada Galkacyo xarunta gobolka Mudug, ayaa ku baaqay in la joojiyo dagaal labada dhinac.

Duqa degmada Galkacyo Cabdicasiis Jaamac Nugal oo dhankiisa ka hadlay sababta dagaalkani ku billowday ayaa shaciyay inaysan jirin wax waan waan ku aadan joojinta dagaalkan, isagoo tilmaamay in maamulka Galmudug adeegsanayeen hubka noocyadiisa cul-culus.

Arrintan ayaa timi xilli uu jiro khilaaf xooggan oo u dhaxeeya maamullada Puntland iyo Galmudug, kaasi oo ka dhashay dhismaha maamulka fadhigiisu yahay Cadaado oo dastuurkiisa ku dhigtay inay xuduud u tahay degmada Burtinle.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM