Dagaalka Garowe: Waan-waan lagu goobayo xabad-joojin oo bilowday

Image
Illaa waqti-xaadirkan, geerida 10 qof iyo dhaawaca tirro ka badan 20 ayaa illaa hadda la xaqiijiyey

GAROWE, Puntland - Isimada Puntland ayaa waxay bilaabeen waan-waan lagu xalinayo colaada ka dhalatay dagaalka barqinimadii Talaadada maanta ah ka bilowday magaalada Garowe. Kulamada ayaa u socda qaab teel-teel ah.

Odayaasha dhaqanka ayaa u ololaynaya xabad-joojin ku meelgaar ah si fursad loo siiyo dadaalada nabadda. Geerida 10 qof ayaa illaa hadda la xaqiijiyey.

Guddoomiyaha baarlamaanka Puntland, Abwaan Cabdirashiid, ayaa la saarayaa mas'uuliyada ugu weyn ee iska-hor-imaadka maadaama uu abuuray jawi xasilooni darro.

Illo wareedyo ayaa u sheegay warsidaha Garowe Online in Cabdirashiid uu tagay goob kamid ah meelaha ay isku-hor-fadhiyaan ciidamadda kahor dagaalka.

"Guddoomiyaha waxa uu kadib telefoon u diray dhowr Xildhibaane ah. Markii uu tagay xarunta golaha waxa uu dalbaday in loo coddeeyo qodob aanba ku jirin ajandaha oo ah ka doodista furista dastuurka. Tani waxay ka dhigan tahay in uu qaadayo mas'uuliyada waxa dhacay," ayuu yiri qof kamid ah dadka xog-ogaalka u ah isku-dhacan hubeysan.

Fahfaahino kale oo laga helay illo madax-banaan waxay xaqiijinayaan in madaxwayne Saciid Cabdullaahi Deni uu xalay ku hoydey xero ciidan oo lagu magacaabo 54-aad kuna taala Garowe.

Dhanka kale, taliyihii Ilaaladda Madaxweynaha Puntland ee Qardho, Cabdifitaax Warsame Rooti, ayaa lagu waramay in uu kamid noqdey dadka ku geeriyoodey is-rasaaseynta.

Gacan ka hadalkan ayaa ah natiijo ka dhalatay xiisad siyaasadeed oo xal looga gaari waayay miiska wadahadalka. Deni iyo mucaaradkiisa ayaa isku-maan-dhaafsan doorashada madaxtinimada oo dhaceysa Janaayo sanadka 2024-ka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Beenisay Eedeynta Wasiirka Difaaca Soomaaliya Axmed Maclin Fiqi

Fiqi ayaa sidoo kale ka hadlay eedeymo sheegaya in dagaalyahanno ajnabi ah loo dhoofinayay dagaallo ka socda dalal kale.

  • Puntland

    06-11-2025

  • 04:58PM

Dowladda Puntland oo bilowday qorshe cusub oo lagu xoojinayo awoodda Booliiska

Mas’uuliyiinta booliiska ayaa tilmaamay in isbeddelka socda uu horseeday in dhalinyaradii waxbarashada dhammeysay.

  • Puntland

    01-11-2025

  • 06:16AM