Dagaalka magaalada Boosaaso oo galay maalintii labaad

Image
Inta la xaqiijiyey tan iyo shalay, waxaa dagaalka ku dhintey 7 qof ay askar ku jiraan.

BOOSAASO, Puntland - Dagaalka Boosaaso ayaa galay maalintii labaad. Ciidanka dowladda ayaa la sheegay in ay saaka weeraren xarunta Puntland Security Force oo uu joogo agaasimihii xilka laga qaadey Diyaano.

Wararku waxay intaas ku darayaan in xabada ay wali soconeyso. Barakac ayaa laga soo sheegayaa qaybo kamid ah xarunta gobolka Bari. Inta la xaqiijiyey tan iyo shalay, waxaa dagaalka ku dhintey 7 qof ay askar ku jiraan.

Isku-dhaca waxaa laga cabsi qabaa in uu kusii fido qaybo kamid ah magaaladda. Xarunta PSF waxaa shalay la wareegay ciidamadda garabka madaxii hore ee hay'adda kaasoo BBC-da u sheegay in ay is-difaac ku jiraan.

Xaaladda Boosaaso ayaa faraha ka baxdey, waxaana billowday dagaal mudooyinkii dambe laga digayay inuu qarxo, kaasoo hadda saameyn ku yeeshay dhaq-dhaqaaqii iyo xasiloonidii ka jirtay magaaladda ganacsiga Puntland.

Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni oo maalmihii u dambeeyay ku sugnaa magaaladda Baydhaba oo u tagey ka qeybgalka dabaal-dega sanad-guuradii 3aad ee doorashadda Lafta-gareen ayaa dib ugu soo laabtay Garowe, iyadoo illaa hadda madaxtooyadda ka hadlay dagaalka Boosaaso.

Hay’adda PSF oo shaqadeedu tahay la dagaalanka argagaxisadda, ayaa waxaa taageera dowladda Mareykanka oo dhaqaale iyo tababaro ka hesho, taasoo ka dhigtay in hogaankeeda lagu loolamo.

Dowladda Puntland ayaa isku dayaysa inay isbedel iyo dib u habeyn ku sameyso hay’adaha amniga, si loo xoojiyo awoodda iyo tayada Ciidanka oo wajahaya khataraha kooxaha argagaxisada Al-Shabaab iyo Daacish.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM