Dallada Mucaaradka oo fariin adag u jeedisay dowladda Imaaraadka

Image

GAROWE, Soomaaliya - Dallada Mucaaradka Puntland ayaa soo saartay war-saxaafadeed ay kaga walaacsan yihiin dhaq-dhaqaaqyada siyaasadeed ee uu wado Madaxweynaha muddo xileedkiisa sii dhamaanaya Siciid Cabdullaahi Deni.

Dallada ayaa ka dhawaajisey inay ka walaacsan yihiin hadal ka soo yeeray Deni, iyaga oo ka cabsi qaba inay carqaladeeyaan midnimada ciidamada, isla markaana ay huriyaan colaado lagu gaaraayo damac siyaasadeed iyo mid shaqsi.

Dallada ayaa sidoo kale si kulul uga hadashay ciidamada badda Puntland ee PMPF oo ay maalgelinayso dawladda Imaaraadka kuna eedeysay qalalaasaha siyaasadeed ee muddooyinkii dambe ka dhacayay magaalooyinka Boosaaso iyo Garoowe.

Warmurtiyeedka ayaa lagu sheegay:

“Waxaan si adag u cambaareynayaa dhacdooyinkan oo sababay dhimasho, dhaawac iyo burbur, waxaana aaminsanahay inay ka leexiyeen PMPF doorkii ay ka ciyaarayeen la-dagaalanka burcad-badeedda iyo argagixisanimada”.

Dallada ayaa sheegtay in loo baahan yahay in loo hogaansamo sharciga si looga hortago falalka amni darrada ah.

Waxay sidoo kale ku booriyeen dawladda Imaaraadka Carabta inay xaqiijiso dhexdhexaadnimada Ciidamada PMPF ee arrimaha siyaasadda & u hoggaansanaanta shuruucda Puntland, si loo ilaaliyo xiriirka ka dhaxeeya Imaaraadka iyo Puntland.

War-murtiyeedka ayaa hoosta ka xariiqay muhiimadda ay leedahay in la dhowro qiyamka Dimuqraadiyadda, lagana hortago caburinta mucaaradka siyaasadeed ee Puntland.

Dallada ayaa xaqiijisay inay ka go’antahay u ololeeyeynta nabadgelyada iyo xasiloonida gobolka, iyaga oo ugu baaqay dhammaan dhinacyada in ay ka shaqeeyaan sidii loo gaari lahaa yoolalkan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM

Puntland oo soo afjartay awooddii ciidamada isbarbar socda kaddib hawlgalladii Gaalkacyo iyo Boosaaso

Xogaha ayaa sheegaya in qorshaha dowladda muddo-xileedkeedu dhammaaday uusan …

  • Puntland

    07-08-2026

  • 04:51AM