Danjire Yuusuf Cumar Axmed Al-Azhari oo ku dhintay Garowe

Image

GAROWE, Puntland - Alle ha u naxariisto Danjire Yuusuf Cumar Axmed Al-Azhari ayaa maanta wuxuu ku geeriday caasimada dowlada Puntland ee Garowe. Illaa haatan, lama shaacin sababta keentay dhimashadda.

Madaxtooyadda Puntland oo war-saxaafadeed soo saartey ayaa waxay shaaca ka dhigtey in madaxwayne Saciid Cabdullaahi Deni uu muragada la wadaagayo qoyska marxuumka.

"Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo ku hadlaaya magaciisa, kan shacabka Puntland iyo kan Goleyaasha Dowladda ayaa ka tacsiyeeyey geerida Alle ha u  naxariistee Danjire Yuusuf Cumar Axmed Al-Azhari.

Waxaan ka tacsiyeynaya geerida Alle ha u naxariisto Danjire Yuusuf Cumar Axmed Al-Azhari, oo ku geeriyooday Garoowe.

Wuxuu ahaa diblumaasi Soomaaliyeed oo dalkiisa iyo dadkiisa usoo shaqeeyay, wuxuu door muhim ah kasoo qeyb qaatay dhismihii Puntland iyo raadinta dowladnimada Soomaaliya.

Marxuumka alle janadii ha geeyo, waxaan Tacsi u diraya dhammaan Shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan Bulshada Puntland, Eheladii iyo qoyskii uu ka baxay.” Ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni".

Dhanka kale, Villa Soomaaliya oo qoraal kasoo saartey geerida marxuumka ayaa daaha ka rogtay in madaxweynaha waqtiga ka dhacay Farmaajo uu ka tacsiyeynayo geerida marxuumka.

"Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, qaraabada iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka baxay Danjire Yusuf Cumar Axmed Al-Azhari oo dalkeenna ku soo mataley fagaareyaasha diblumaasiyadda iyo xiriirka caalamiga ah.

Madaxweynaha ayaa xusay in Danjire Yuusuf Al-Azhari uu muddo dheer u soo adeegayey Qaranka Soomaaliyeed, isaga oo ka mid ahaa xeel-dheereyaasha siyaasadda iyo diblomaasiyadda dalkeenna, door muuqdana ka soo qaatay dadaallada nabadeynta iyo dib u heshiisiinta.

"Innaa lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun. Waxaan tacsi u dirayaa qoyska, qaraabada iyo shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyoodey Alle ha u naxariistee Marxuum Yusuf Cumar Axmed Al-Azhari. Marxuumka oo muddo dheer u soo adeegayey Qaranka Soomaaliyeed ayaa kaalin mug leh ku lahaa in siyaasadda arrimaha dibadda iyo diblomaasiyadda dalkeennu ay ka muuqdaan fagaareyaasha caalamka."

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Marxuumka Alle u weydiiyey in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyska, ehelada iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyoodey".

Aaska marxuumka ayaa waxaa la filayaa in ay ka qeybgalaan mas'uuliyiin kala duwan kuwaasoo ka kala tirsan goleyaasha kala duwan ee dowlada Puntland, qaraabo, asxaab iyo qeybaha kala duwan ee bulshada caasimada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM

Puntland oo qaadacdey shirka uu iclaamiyay Xasan Sheekh

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa 21-ka ilaa 22-ka bishan April u mudeeyay in uu qabsoomo shir madaxeedkan.

  • Puntland

    17-04-2024

  • 06:28AM