​Daroogo lagu gubay magaalada Galkacyo

Image
Image
Image
Image

GALKACYO, Puntland- Ciidamada ammaanka ayaa maanta magaalada Galkacyo xarunta gobolka Mudug ku gubay khamri iyo xashiis lagusoo qabtay howlgal todobaadkii hore laga sameeyay xarunta gobolka Mudug.

Ciidamada la dagaallanka mukhaadaraadka ayaa goob fagaaro ah ku gubay maandooriyahan oo la rabay in si qarsoodi ah loo soo galiyay magaalada Galkacyo.

Taliyaha la dagaallanka argagixisada iyo mukhaadaraadka Puntland, General Muxuyadiin Axmed Muuse, ayaa ku sugnaa goobta lagu gubay daroogadaasi, wuxuuna sheegay inay gacanta ku dhigi doonaan cid kasta oo isku dayda inay faafiso waxyaabaha xaaraamta ah ee dadka iyo diinta wax u dhimaya.

General-ka, ahyaa sidoo shacabka ka codsaday inay ciidamada ammaanka kala shaqeeyaan sidii dalka looga ilaalin lahaaa inay usoo gudbaan waxyaabaha dhibaatada u horseedi kara, isagoo xusay inay hayaan raggii alaabta soo galin lahaa magaalada.

Wuxuu sidoo kale xusay inaysan dhici doonin in qaab tuugo ah degmada Galkacyo loogu soo galiyo maandooriyaha, isagoo cadeeyay inay si toos ah u howlgaleen ciidamada arrintaasi u xilsaaran.

Raggi waday alaabta la gubay ayaa la dul dhigay xukunno kala duwan oo u dhaxeeya 3 ilaa 5 Sano.

Gubista Khamrigan iyo Xashiisadda, ayaa a lagusoo beegay xilli magaaladaas muddooyinkii dambe la dageen colaado iyo amni darro.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM