Dedaalada xalinta xiisada isbedelka PSF oo meel fiican maraya

Image
Ciidanka PSF ayaa waxaa taageero ka heli jireen Mareykanka, iyagoo loo tababaray la dagaalanka argagaxisada.

BOOSAASO, Puntland - Waxaa kulan ku dhexmarey hoyga magaalada Bosaso ka dagan yahay Asad Diano, Madaxweynayaashii hore ee Puntland Farole, Gaas iyo Ra'iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya.

Kulankaas ayaa, sida ay xogta caddeyneyso, waxaa uu diirada saararyey sidii xal waara loogu heli lahaa khilaafkii ka dhashey isbadalkii lagu sameeyey hogaanka hay’ada PSF.

Illo wareedyo aad loogu kalsoonaan karo ayaa warsidaha Garowe Online waxay u sheegeen  in wadahadalka lagu xalinayo khilaafkaan meel wanaagsan marayaan.

Xiisadda ka dhalatay isbedelka dhanka hogaanka, ayaa saameyn ku yeelatay Ciidanka, waxaana hadda Boosaaso ka soconaya dadaallo dhinacyo badan ku lug leeyihiin oo lagu dhameynayo is-mariwaaga sababay gacan-ka-hadalka.

Ciidanka PSF ayaa waxaa taageero ka heli jireen dowladda Mareykanka, iyagoo loo tababaray la dagaalanka argagaxisada, oo wax badan ka qabteen sanadihii howlgalka socday.

Dowladda Mareykanka ayaa sanad kahor joojisay taageeradda ay siiso hay'adda Puntland Security Forces, sida uu Talaadada maanta ah faafiyey barnaamijka Galka Baarista ee VOA-da.

Galka Baarista oo uu daadihiyo wariye Haaruun Macruuf ayaa soo xigtay sarkaal ka gaabsadey magaciisa sababo la xiriira in aan loo ogoleyn in uu ka hadlo arrimaha xasaasiga ah.

Sida ku xusan warbixinta, xukuumadda Washington ayaa u hakisay taageeradda PSF kadib markii hogaanka hay'addu diideen in ay kamid noqdaan cutubka Danab ee kamid ah kumaandooska Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM