Degmada Godob Jiiraan oo gole deegaan loo sameynayo

Image

December 18, 2014 (GO)- Waxaa socda qorshe gole deegaan loogu dhisayo degmada Godob Jiiraan ee gobolka Nugaal, iyadoo xilligan ay halkaas ku sugan yihiin wafdi dowladda ka socda oo xildhibaan Cabdi Siciid Surcad hogaaminayo.

Wafdiga oo maalintii saddexaad halkaas jooga ayaa kulamo la qaadanaya odayaasha iyo waxgaradka deegaanka waxayna kala hadlayaan sidii bulshada deegaankaas ku dhaqani isaga soo dhex xuli lahayd xubnaha kamid noqon doona golaha deegaanka.

Qaar ka mid ah odayaasha oo Radio Garowe la hadlay ayaa sheegay inay aad usoo dhawaynayaan qorshaha degmadaas maamulka loogu sameynayo maadaama degmadu maamul la'aan wax horumar ah ku tallaabsan karin.

Sabtida soo socota (December 20, 2014) ayaa lagu wadaa inay dhacdo doorashada golaha deegaanka degmada Godob Jiiraan. 17 xubnood oo golaha deegaanku ka kooban yahay ayaa dooran doona duqa degmada iyo ku-xigeenkiisa.

Saddex maalmood kahor ayey ahayd markii gole deegaan loo dhisay degmada Bareeda ee gobolka Gardafuu.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiir Axmed Maclin Fiqi oo jawaab ka helay Puntland

Khilaafkan ayaa sidoo kale saameyn ku yeeshay dadaallo lagu doonayay in lagu xalliyo murannada ka taagan hannaanka doorashooyinka.

  • Puntland

    01-02-2026

  • 12:41PM

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM