​Degmooyinka gobolka Nugal oo shir u furmay

Image

GAROWE- Magaalo madaxda Puntland ee Garowe, waxaa maanta ka furmay shir looga hadlayo amniga guud ee gobolka Nugal, waxaana loo qabtay xubno kasocda degmooyinka uu gobolku ka koobanyahay.

Shirkan oo socon doona 2 maalmood waxaa looga arrinsanayaa nabadgalyada iyo sidii wax looga qaban lahaa, waxaana ujeedka ka dambeysa lagu sheegay xaaladaha soo kordhay iyo dagalladii dhawaan dhacday.

Gudoomiyaha gobolka Nugal Cumar Cabdullaahi Faraweyne oo la hadlay Radio Garowe, ayaa fahfaahshay shirka furmay, wuxuuna tilmaamay in looga doodi doono ajandayaal uu lix ku sheegay kuwaasi oo kala ah;

1-Warbixin guud iyo xog is dhaafsi

2-Xaaladda amniga ee degmada walba

3-Xaaladda abaaraha

4-Tayaynta maamulka, xiriirka iyo wadashayqa

5-Soo saarista baaqyo iyo go'aamo

6-Soo saarista qorshaha bilaha soo socda

Cumar, ayaa tilmaamay in shirku barri soo xirmi doono islamarkaana lasoo bandhigi doono waxyaabaha kasoo baxa, isagoo baaq u diray shacabka oo ka codsaday inay la shaqeeyaan laamaha amniga islamarkaana u fududeeyaan howlaha ay hayaan.

Wuxuu u digay bulshada isagoo xusay ciddii magan galin siisa kooxda Shabaab in sharciga lala tiigsan doono islamarkaana dowladdu la wareegi doonto hantidiisa.

Tan iyo wixii ka dambeeyay dagaalkii lala galay kooxda Shabaab waxaa kor loo qaaday ammaanka gobollada Puntland iyadoo la xoojiyay howlgallada nabad galyada lagu xaqiijinayo.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM