Deni oo bogaadiyey ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya

Image
Xamza ayaa maalmaha soo aadan hortagi doona Golaha Shacabka baarlamaanka 11aad.

GAROWE, Puntland - Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa hambalyo u diray Xamze Cabdi Barre oo loo magacaabay Ra’iisul Wasaaraha 21-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya.

“Waxaan hambalyo iyo boggaadin u diraya Xildhibaan Xamze Cabdi Barre oo Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Shiikh Maxamuud, u magacaabay Ra’iisal Wasaaraaha Xukuumadda JFS," ayuu yiri.

Xamza ayaa maalmaha soo aadan hortagi doona Golaha Shacabka baarlamaanka 11aad si uu u helo kalsoonidooda kahor inta uusan soo magacaabin xukuumad cusub oo badali doonta mida shaqeynaysa.

Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa u rajeeyay Ra’iisal Wasaaraha cusub in alle u fududeeyo masuuliyadda. "Waxaan Ra’iisal Wasaaraha cusub u rajeynaya in alle u fududeeyo masuuliyadda loo igmaday," ayuu ku daray.

Xukuumadda cusub ayuu Ra'iisul Wasaaruhu cod dheer wuxuu ku balanqaadey in ay noqon doonta "mid tayo leh" oo ka shaqeyn doonta "samata-bixin doonta dadka iyo dalka Soomaaliyeed".

Wasiirka koowaad ee Soomaaliya oo wajahaya Soomaaliya shantii sano lasoo dhaafay qarka u fuushay xukun kalitalis ah waa 48-sano jir inta la og-yahay illaa iyo haatan aan haysan wax dhalasho waddan kale ah iyo aabaha sideed caruur - wiilal iyo gabdho ah.

Sooyaalkiisa waxbarashada

Ka sokow in uu Golaha Shacabka kamid noqdey 28-kii December, 2021, Xamza oo ku dhashay Kismaayo ayaa 2009-kii wuxuu Jaamacada Islaamiga Caalamiga ah ee Malaysia ka qaatay MPA in Management.

Sidoo kale, BA in Management ayuu ka qaatay University of Science and Technology ee ku taala waddanka ay colaaduhu la dageen ee Yemen sanadka markii uu ahaa 2001.

Waaya-aragnimada shaqada

Gudoomiyaha Guddiga Madaxa Bannaan ee Xuduudaha iyo Doorashooyinka dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubaland ayuu noqdey intii u dhaxeysay 2019 illaa 2020.

La Taliye Sare Wasaaradda Dastuurka JFS  ayuu ahaa 2015-2019.  La Taliye Arrimaha Maamulka ayuu u noqdey Gudoomiyaha Gobolka Benaadir inti u dhaxeysay 2014-2015.

Xoghayaha xisbiga uu hogaamiyaha ka yahay madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ee lagu magacaabo UPD ayuu ahaa intii u dhaxeysay 2011 illaa 2017.

Waxqabadka dhanka tacliinta

Wuxuu kamid ahaa aas-aasayaasha Jaamacadda Kismaayo isaga oo ka soo qabtay dhowr xil oo kala duwan sida Gudoomiye Ku Xigeenka guud ee Jaamacadda.

Bare Sare ayuu ka noqdey Jaamacadda Muqdisho. Xoghayaha Guud Daladda Waxbarashada FPENS oo kamid ah kuwa ugu waaweyn guud ahaan waddanka ayuu ahaa intii u dhaxeysay 2003-2004.

Ugu dambeyntii, Xamza oo wajahaya Soomaaliya shantii sano lasoo dhaafay qarka u fuushay xukun kalitalis ah waa 48-sano jir inta la og-yahay aan haysan dhalasho kale iyo aabaha sideed caruur ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM