Puntland: Reer Koonfur Galbeed xaq bay u yihiin in ay coddeyaan

Image

GAROWE, Puntland - Madaxweyne Deni ayaa shaaca ka qaaday in dadka ka soo jeeda dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ee ku nool Puntland ay xaq u leeyihiin inay ka qeyb galaan doorashada iyadoo diiwaangelinta codbixiyaasha ay ka socoto seddex degmo.

Xilli uu Muqdisho u joogo wadahadalada doorashooyinka ee dowlada iyo maamulada, Deni ayaa xusay in dowladdiisu aysan carqaladeyn doonin in la hubiyo in dadka Soomaaliyeed ee uga soo cararay koonfurta duruufo kala duwan awgeed ay xuquuqdooda helaan.

"Aad ayaan ugu faraxsanahay in dadka Soomaaliyeed ee ka kala yimid gobolada kala duwan ee dalka ee yimid Puntland intii ay colaadu jirtay, kana mid noqday dadka deegaanka ay si xor ah uga qayb qaadan doonaan doorashooyinka soo socda," ayuu yiri.

Isaga oo hadalkiisa sii wata, madaxweynaha Puntland wuxuu intaas ku daray in muwaadin kasta oo Soomaaliyeed oo ku nool maamulkan xubinta ka ah Federaalka Soomaaliya uu xaq u leeyahay inuu wax ka doorto deegaanka uu ku nool yahay ama uu ku doorto, isla markaana uu doorto hoggaamiyeyaasha mustaqbalka ee saamaynta ku yeelan doona noloshooda.

"Mararka qaar waxaa idaacada ka maqlaa shacabka reer Koonfur Galbeed degan Puntland. 'Ma tihdiin shacab reer Koonfur Galbeed waxaa tihiin reer Puntland' Waana ku faraxsanahay in ay isu-diiwaan-gelinayaan [doorashooyinka goleyaasha degaanka]," ayuu xusay.

Deni ayaa ku tilmaamay talaabo wanaagsan iyo horumar la taaban karo oo shacabka reer Puntland ay gaareen in ay soo dhaweeyaan walaalahood ka soo cararay abaaraha iyo khatarta amaan xumo ee koonfurta Soomaaliya.

"Waxaan shacabka ka codsanayaa inay ka shaqeeyaan horumarka iyo amniga Puntland maxaa yeelay way ku barwaaqoobeen, ku shaqeysteen, ku noolaan doonan, carruur aad ku dhasheen halkan waxayna ku noolaan doonaan inta ka hartey mustaqbalka, waxayna xaq u leeyihiin in ay u codeeyaan hoggaamiyeyaashooda," ayuu ka dhawaajiyey Deni.

Hadalka Deni ayaa imanaya iyada oo diwaangalinta codbixiyayaashu ay si habsami leh uga socoto degmooyinka Qardho, Eyl, iyo Ufeyn doorashada dawladaha hoose, waxaana dhamaadka sanadkan la diyaarinayaan doorashadii ugu horaysay ee dimuqraadi ah ee ka dhacda Puntland tan iyo markii maamulka la aas-aasay 1998.

Iyada oo qayb ka ah tiirarka aasaaska u ah dimuqraadiyadda, Puntland oo dhacda waqooyiga-bari ee Soomaaliya waxay billowday nidaamka xisbiyada badan, oo la filayo in maamulkan hodanka ku ah saliidda ay ka saarto geeddi-socodka qabiilka ee muddada dheer socday.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Duqeyn Cirka oo Mareykanku Ka Fuliyay Puntland

Wuxuu ballan qaaday in Mareykanku sii wadi doono taageerada uu siiyo ciidamada Soomaaliya si ay u gaaraan xasillooni buuxda.

  • Puntland

    08-07-2025

  • 12:35PM

Cabdirashid Yuusuf Jibriil oo la siiyay waddo nabadgelyo ah oo uga baxay Ceelbuh 

Dhanka kale, ciidamada Puntland ayaa ogaadey inay jiraan qorshayaal ay wasiirro iyo xildhibaanno ka socda Muqdisho.

  • Puntland

    07-07-2025

  • 06:36AM