Deni: Doorashada waa la wadayaa, dagaalkana waa la wadayaa

Image
Madaxweynaha Puntland ayaa si dadban ugu dhawaaqay dagaal ka dhan ah Somaliland.

GAROWE, Puntland - Madaxweynaha waqtigiisu gabaabsiga yahay ee Puntland oo adkeysan kari culeyska siyaasadadeed ee 24 saac la saarey ayaa shir-saxafadeed uga hadlay xaalada Laascaanood.

Deni oo warbaahinta kula hadlay Madaxtooyadda Garowe ayaa waxa uu yiri: "Dulqaadkii waa iga dhammaaday intaa wixii ka badan uma dul qaadan doono dumarka iyo carruurtayada hortayada lagu jiidayo".

Isaga oo hadalkiisa sii wata Deni oo si dadban ugu dhawaaqay dagaal ka dhan ah Somaliland ayaa raaciyey: "Doorashadana waa la wadayaa, dagaalkana waa la wadayaa; labada halloo diyaar garoobo".

Maamulka Somaliland ayuu cod dheer ugu baaqay in ay joojiyaan "beegsiga" ay ku hayaan shacabka Sool oo uu hoosta ka xariiqay in ay ayaga u madax-banaan yihiin go'aaminta masiirkooda.

"Wixii dadka reer Somaliland ay uga caban jireen dowladdii hore ee milatariga [Soomaaliya] in maanta ay [ayaga] sameynayaan waa wax aan la aqbali karin," ayuu hoosta ka xariiqay.

Dhawaqa Deni ayaa ayaa kusoo hagaagay kadib shir albaabada u xiran yihiin oo uu la yeeshay ku xigeenkiisa Karaash. Labada mas'uul ayaan isku-aragti ka ahayn qadiyaddan.

Ku dhowaad 20 qof ayaa ku nafwaayay shaqaaqooyinka xarunta gobolka Sool tan iyo todobaadkii hore. Beesha Caalamka ayaa waxay ku baaqdey in nabad lagu soo dabaalo Laascaanood wadahadalna la galo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM