Deni: Hirgelinta doorasho qof iyo cod waa arrin Dastuuri ah

Image
Image
Image
Image
Madaxweynaha Puntland ayaa hadalkan ka sheegay shirka asbuuclaha ee golaha xukuumadda.

GAROWE, Puntland - Madaxweynaha Dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Khamiista maanta ah wuxuu shir-guddoomiyey Shirka Golaha Wasiirada ee todobaadlaha ah.

Kulanka oo uu ka qeybgalay Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda, Axmed Cilmi Cismaan Karaash, waxaa looga hadlay Amniga, Dhameystirka nidaamka Dimuqraadiyadda Puntland, Nabadeynta Colaada Saax-maygaag iyo  qabashada Doorashadda Golaha Shacabka ee DFS.

"Dowladda Puntland waxaa ka go’an dhameystirka nidaamka dimuqraadiyadda Puntland, waxaana Golaha looga hadlay sidii loo dardargelin lahaa qabashada Doorashadda ee degmooyinka kale ee Puntland," ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay Madaxtooyada.

Sida ku xusan war-saxaafadeedkan lagu daabacay ciwaanka Facebook-ga ee madaxtooyadda, madaxwayne Deni ayaa dhinacyadan wuxuu u sheegay in hirgelinta qof iyo cod ay tahay dastuuri.

"Doorasho hal cod iyo hal qof in ay Puntland ka dhacdo waa arrin Dastuuri ah, waa go’aan la gaaray 1998-dii illaa iyo hadana lagu taameyey, anagana waan billownay waana naga go’antahay inaan dhammaan Puntland ka qabano," yiri Deni

Madaxweynaha ayaa faray Masuuliyiinta Hay’addaha Dowladda ee ay khuseyso, in lagala shaqeeyo Guddiga Doorashada dhismaha goleyaasha deegaanka ee degmooyinka Qardho, Ufeyn iyo Eyl oo dhakhso la qabanayo.

"Sidoo kale waxaa la dardargelin doona qorshaha doorashada looga hirgelinayo dhamaman degmooyinka kale ee Puntland," ayaa lagu soo gabagabeeyay qoraalkan uu arkay Garowe Online.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM