Deni: Hirgelinta doorasho qof iyo cod waa arrin Dastuuri ah

Image
Image
Image
Image
Madaxweynaha Puntland ayaa hadalkan ka sheegay shirka asbuuclaha ee golaha xukuumadda.

GAROWE, Puntland - Madaxweynaha Dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Khamiista maanta ah wuxuu shir-guddoomiyey Shirka Golaha Wasiirada ee todobaadlaha ah.

Kulanka oo uu ka qeybgalay Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda, Axmed Cilmi Cismaan Karaash, waxaa looga hadlay Amniga, Dhameystirka nidaamka Dimuqraadiyadda Puntland, Nabadeynta Colaada Saax-maygaag iyo  qabashada Doorashadda Golaha Shacabka ee DFS.

"Dowladda Puntland waxaa ka go’an dhameystirka nidaamka dimuqraadiyadda Puntland, waxaana Golaha looga hadlay sidii loo dardargelin lahaa qabashada Doorashadda ee degmooyinka kale ee Puntland," ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay Madaxtooyada.

Sida ku xusan war-saxaafadeedkan lagu daabacay ciwaanka Facebook-ga ee madaxtooyadda, madaxwayne Deni ayaa dhinacyadan wuxuu u sheegay in hirgelinta qof iyo cod ay tahay dastuuri.

"Doorasho hal cod iyo hal qof in ay Puntland ka dhacdo waa arrin Dastuuri ah, waa go’aan la gaaray 1998-dii illaa iyo hadana lagu taameyey, anagana waan billownay waana naga go’antahay inaan dhammaan Puntland ka qabano," yiri Deni

Madaxweynaha ayaa faray Masuuliyiinta Hay’addaha Dowladda ee ay khuseyso, in lagala shaqeeyo Guddiga Doorashada dhismaha goleyaasha deegaanka ee degmooyinka Qardho, Ufeyn iyo Eyl oo dhakhso la qabanayo.

"Sidoo kale waxaa la dardargelin doona qorshaha doorashada looga hirgelinayo dhamaman degmooyinka kale ee Puntland," ayaa lagu soo gabagabeeyay qoraalkan uu arkay Garowe Online.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM