Deni iyo Biixi oo "is-afgarad" ka gaarey qadiyadda Laascaanood

Image
Puntland ayaa waajahaysa culeyska rayidka kasoo barakacay Laascaanood iyo dhaawacyada laga keenay halkaasi.

GAROWE, Puntland - Magaalada Laascaanood ee xarunta gobalka Sool waxaa a taagan xaalad u kacsan muddo gaaraysa 11 maalmood iyada oo ay dagaalo ku dhex-mareen dadka degaanka iyo ciidamada Somaliland.

Puntland ayaan dagaalkaas ka aamustay iyada oo madaxweynaha maamulkan, Siciid Cabdulaahi Deni oo warbaahinta madaxtooyada kula hadlay uu sheegay in aan Laascaanood iyo Caluula "waxba isaga xirnayn".

Siyaasiga Cumar Ismaaciil Waabari oo waraysi siiyay Garowe Online ayaa yiri: "Deni wuxuu kula heshiiyay Muuse Biixi in uusan ku khash-khashaadin diiwaan-gelinta gobalka Sanaag isna uu ka aamusayo xasuuqa Laascaanood".

Madaxtooyada Puntland ayaa dhawaan baahisay in madaxweyunuhu uu hadlayo balse taasi ma aanay suuroobin iyada oo uu afhayeenkiisu ku qoray bartiisa Facebook "in cilad farsamo ay ku timid arintaasi".

Waabari oo sii hadlaya ayaa raaciyey: "Siciid Cabdulaahi Deni waa in maxkamadda sare dacwad laga geeyo Sool waxay kamid tahay dalkii uu u dhaartay mana jirto meel dastuurka wax ka badal loogu sameeyay".

Diiwaan-gelinta lagu muran-san yahay ee doorashooyinka golayaasha deegaanka oo dhawaan Garowe waxaa ka dhalatay gacan ka hadal waxaana uu sheegay in madaxweynuhu ku arintaas ka leeyahay dano .

"Deni sidii uu magaaladda Boosaaso dagaalada uga riday ayuu rabaa in uu Garowe uga rido oo uu reer nugaaleed isugu diro waxaa u muuqata dantiisa gaarka ah," ayuu raaciyey.

Puntland ayaa waajahaysa culeyska rayidka kasoo barakacay Laascaanood iyo dhaawacyada laga keenay halkaasi waxaana aan wali shaqo muuqata qaban guddiga gargaarka ee dhawaan uu magacaabay madaxweyne Deni.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM

Puntland oo soo afjartay awooddii ciidamada isbarbar socda kaddib hawlgalladii Gaalkacyo iyo Boosaaso

Xogaha ayaa sheegaya in qorshaha dowladda muddo-xileedkeedu dhammaaday uusan …

  • Puntland

    07-08-2026

  • 04:51AM