Deni iyo Cabdirashiid oo lagu eedeeyay kalitalisnimo iyo jabinta dastuurka

Image
Madasha Siyaasadda Puntland ayaa si kulul u cambaareysay dagaalka ka dhacay Garowe.

GAROWE, Puntland - Madasha Siyaasadda Puntland oo war-saxaafadeed ka kooban laba bog ah ka soo saartey cakirnaanta siyaasadeed ayaa si xooggan waxay u cambaareysay dagaalka ka dhacay magaaladda caasimada ah ee Garowe.

Dhamaan dhinacyadda ku lugta leh ayay ugu baaqdey in ay u hogaansamaan Isimada iyo Siyaasiyiinta dhexdhexaadinta wadda; beesha Caalamka ayay ka dalbadeen in ay soo farageliso xiisada taagan.

"Madashu waxay cadaynaysaa in madaxweynaha wakhtigiisu dhamaadka yahay uu mas‘uul ka yahay dhamaan dagaaladda dhacay ee laga baaqsan karay taasoo ay sabab u tahay madax adaygiisa , iyo isku koobida awoodda dowlanimo oo leh astaamaha kali-talisnimo," ayay sheegeen. 


Qoraalka ayaa intaas ku daray: "Madashu waxay cadaynaysaa in Guddoonka Baarlamaanka Puntland uu ku dhexmilmay xukuumadda taasoo meesha ka saaraysa haykalkii dowlanimo iyo sidoo kale ilaalinta dastuurka oo ah heshiis bulsho".

Ugu yaraan tobban qof ayaa la xaqiijiyey in ay ku naf-waayeen dagaalkan ayna ku dhaawacmeen tiro intaas ka badan oo lagu qiyaasay illaa 20 ruux kuwaas oo qaar ay xaaladoodu liidato.

Dhanka kale, taliyihii Ilaaladda Madaxweynaha Puntland ee Qardho, Cabdifitaax Warsame Rooti, ayaa lagu waramay in uu kamid noqdey dadka ku geeriyoodey is-rasaaseynta.

Gacan ka hadalkan ayaa ah natiijo ka dhalatay xiisad siyaasadeed oo xal looga gaari waayay miiska wadahadalka. Deni iyo mucaaradkiisa ayaa isku-maan-dhaafsan doorashada madaxtinimada oo dhaceysa bisha Janaayo sanadka 2024-ka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM

Puntland oo soo afjartay awooddii ciidamada isbarbar socda kaddib hawlgalladii Gaalkacyo iyo Boosaaso

Xogaha ayaa sheegaya in qorshaha dowladda muddo-xileedkeedu dhammaaday uusan …

  • Puntland

    07-08-2026

  • 04:51AM