Deni iyo danjiraha Ingiriiska oo ka shiray doorashooyinka

Image
Image
Image
Puntland ayaa talaabooyin muhiim ah u qaadey u talaabada hanaanka xisbiyada badan.

GAROWE, Puntland - Madaxwynaha Dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta wuxuu Qasriga Madaxtooyada Puntland ku qaabilay Safiirka Dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya Kate Foster.

Kulanka ayaa looga hadlay arrimaha Puntland sida Nidaamka dimuqraadiyadda ee Puntland ku tallaabsatay, xaaladda Covid-19 iyo guud ahaan xaaladda Soomaaliya gaar ahaan sidii xal looga gaari lahaa arrimaha siyaasadda ee taagan.

"Dowladda Ingiriiska ayaa la wadaagtay madaxweynaha hambalyo ku aadan hirgelinta nidaamka dimuqraadiyadda Puntland ee guuleystay, waxayna muujisay in Doorashadda hal Qof iyo Hal cod ee ka dhacaysa Puntland ay rajo wanaagsan gelin doonto Soomaaliya inteeda kale," ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Madaxtooyada.

Sida uu fahansan yahay warsidaha Garowe Online, danjire Foster ayaa si weyn waxay u bogaadisay nidaamka dimuqraadiyeynta Puntland oo haatan u muuqda mid si toos ah ficil isugu bedelaya.

"Waxaa kulanka ka qeybgalay Wasiirada Wasaaradaha Arrimaha Gudaha, Qorsheynta, Shaqada iyo shaqaalaha , Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada iyo Afhayeenka Ahna Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Puntland," ayaa la raaciyey bayaanka Madaxtooyada.

Diblumaasiga reer Britain ayaa sidoo kale waxay caasimada Garowe ay dhankeeda la kulantey ururada bulshadda rayidka iyo guddoonka guddiga doorashooyinka ku meelgaarka ah ee Puntland.

UK ayaa kaalin weyn waxay ku leedahay geedi-socodka dhismaha dowladnimada Puntland gaar ahaan arrimaha doorashooyinka, kobaca dhaqaalaha iyo waliba mashaariicda kale ee bini'aadanimada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM