Deni iyo danjiraha Ingiriiska oo ka shiray doorashooyinka

Image
Image
Image
Puntland ayaa talaabooyin muhiim ah u qaadey u talaabada hanaanka xisbiyada badan.

GAROWE, Puntland - Madaxwynaha Dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta wuxuu Qasriga Madaxtooyada Puntland ku qaabilay Safiirka Dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya Kate Foster.

Kulanka ayaa looga hadlay arrimaha Puntland sida Nidaamka dimuqraadiyadda ee Puntland ku tallaabsatay, xaaladda Covid-19 iyo guud ahaan xaaladda Soomaaliya gaar ahaan sidii xal looga gaari lahaa arrimaha siyaasadda ee taagan.

"Dowladda Ingiriiska ayaa la wadaagtay madaxweynaha hambalyo ku aadan hirgelinta nidaamka dimuqraadiyadda Puntland ee guuleystay, waxayna muujisay in Doorashadda hal Qof iyo Hal cod ee ka dhacaysa Puntland ay rajo wanaagsan gelin doonto Soomaaliya inteeda kale," ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Madaxtooyada.

Sida uu fahansan yahay warsidaha Garowe Online, danjire Foster ayaa si weyn waxay u bogaadisay nidaamka dimuqraadiyeynta Puntland oo haatan u muuqda mid si toos ah ficil isugu bedelaya.

"Waxaa kulanka ka qeybgalay Wasiirada Wasaaradaha Arrimaha Gudaha, Qorsheynta, Shaqada iyo shaqaalaha , Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada iyo Afhayeenka Ahna Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Puntland," ayaa la raaciyey bayaanka Madaxtooyada.

Diblumaasiga reer Britain ayaa sidoo kale waxay caasimada Garowe ay dhankeeda la kulantey ururada bulshadda rayidka iyo guddoonka guddiga doorashooyinka ku meelgaarka ah ee Puntland.

UK ayaa kaalin weyn waxay ku leedahay geedi-socodka dhismaha dowladnimada Puntland gaar ahaan arrimaha doorashooyinka, kobaca dhaqaalaha iyo waliba mashaariicda kale ee bini'aadanimada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM