Deni iyo Qoor-qoor oo wadahadalo ku leh Gaalkacyo

Image

GAALKACYO, Soomaaliya – Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa Arbacada maanta ah wuxuu gaarey magaalada Gaalkacyo halkaasoo wadahadalo kula yeelanayo dhigiisa Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye [Qoor-qoor].

Labada hogaamiye ayaa la filayaa in ay kawada xaajoon doonan qadiyado ay ugu horeyso doorashooyinka iyo qodobada uu is-mari-waaga ka taagan yahay sidda guddiga magacaaban iyo masiirka gobolka Gedo ee mugdiga ku jira.

Qoor-qoor wuxuu xarunta gobolka Mudug kaga haray wafdigii Ra'iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ee dhowaan booqashada ku tegay halkaas.

Puntland iyo Jubaland ayaa diidey in ay soo magacaabaan xubnaha ku metalaya guddiyadda doorashooyinka labada heer sababa la xiriira in Villa Soomaaliya ay faragelisay xubnaha maamulada kale soona xulatay dad taabacsan.

Dowladahan xubinta ka ah xukuumadda federaalka ayaa sidoo kale waxay codsadeen in lasoo saaro ciidamadda dowladda federaalka geysay Gedo isla markaana Villa Soomaaliya joojiso "colaadda ay ka hurineyso gobolka".

Lama ogga haddii is-araga Deni iyo Qoor-qoor uu dhabaha u xaari doono kulan kale oo ay isugu yimaadaan madaxda maamulada kale ee ka jira dalka.

Doorashadda madaxtinimada Soomaaliya ayaa loo madalsan-yahay in ay dhacdo 8-da Febraayo, halka xulista mudaneyaasha labada Aqal ee baarlamaanka ay dib-u-uga dhacdey waqtigii lagu balamay taasoo xoojisay hubanti la'aanta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM