Deni iyo Xaaf oo shir laba geesood ah uu uga furmay Gaalkacyo

Image
Image
Image

GAROWE, Puntland - Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo Qasriga Madaxtooyada Puntland ee Gaalkacayo ku qaabilay wefti balaadhan oo uu hogaaminayo Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Ducaalle Geelle Xaaf.

Kulanka Madaxweynaha Puntland iyo Madaxweynaha Galmudug waxaa qayb ka ahaa masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha Puntland iyo Galmudug.

Sidoo kale kulanka kadib waxaa qabsoomaya shir laba geesood ah oo ay yeelanayaan Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Ducaalle Geelle Xaaf iyo masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha dowladda ee Puntland iyo Galmudug.

Shirka waxaa laga soo saari doonaa war-Murtiyeed ku salaysan waxyaabaha muhiim ka ah ee laga wadahadlayo.

Puntland State House

Related Articles

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM

Puntland oo Qabanaysa Shir Ku saabsan Dhismaha Dawladnimada Soomaaliya

Madaxweyne Deni ayaa intaa ku daray, “Siyaasiyiintu mararka qaar waxay leeyihiin danahooda gaarka ah.

  • Puntland

    11-12-2025

  • 09:39AM