Deni: Ma ogolaan karo is maquunin iyo in la is dardaro

Image

GAROWE, Puntland — Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa khudbad dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyey xiritaankii Shirka Jiheynta xukuumadda Dowladda Puntland.

Deni ayaa sheegay in Puntland ay diyaar u tahay garnaqsi balse aysan marnaba ogolaan doonin “is maquunin iyo in la is dardaro”.

"La isma muquunin karo, la' ismana dardari karo, dalkaan meesha uu aadayo ha laga wada hadlo, Puntland waxay diyaar u tahay garnaqsi,” ayuu hoosta ka xariiqay Deni.

Sidoo kale, Deni ayaa carabka ku adkeeyay in Puntland aysan ka tanaasuli doonin isku keenida Soomaaliya iyo ilaalinta Soomaalinimada.

“Soomaalinimada cidna uga cararimayno, cidda khaldan baan qabanaynaa Hadii Allaah idmo, garab istaaga dadkeenna Soomaaliyeedna hore ayeenu usii wadaynaa,” ayuu caddeeyay.

Hadalkan wuxuu kusoo beegmayaa xilli uu hooseeyo xiriirka wadashaqeynta Puntland iyo Villa Soomaaliya taas oo ka dambeysay taas oo loo aaneynayo is-faham la’aan siyaasadeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM

Puntland oo soo afjartay awooddii ciidamada isbarbar socda kaddib hawlgalladii Gaalkacyo iyo Boosaaso

Xogaha ayaa sheegaya in qorshaha dowladda muddo-xileedkeedu dhammaaday uusan …

  • Puntland

    07-08-2026

  • 04:51AM