Deni: Madaxdii iga horeysay waa ku darsadeen dhibna ma lahayn

Image
Madaxweynaha Puntland ayaa sii xoojiyey tuhunka laga qabay in uu muddo kororsi goobayo.

GAROWE, Puntland - Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu gabaabsiga yahay ee Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa sheegay in madaxdii ka horeysay ay muddo kororsi sameysteen "dhibna aysan lahayn".

Hadalkan ayaa kusoo beegmaya xilli qaar kamid ah ururadda siyaasadda Puntland iyo qeybo kamid ah bulshadda ay ku eedeeyeen Deni in uu barnaamijka dimuqraadiyeynta ku raadinayo ku darsi.

"Waxaa la leeyahay madaxweynaha doorasho uma socdee ku darsi buu u socdaa oo sidaas maaha oo ku darsi hadaan u socdo doorashadan maa iska daayo iyada maan aado, waan aadi karaayee," ayuu yiri.

Waxa uu intaas sii raaciyey: "Aniga maahan madaxdii hore oo dhan waa ku darsan jirtey dhibna ma lahayn. Marka aniga waxaan oran lahaa odayada baqaaya wax badan kama tagayaa".

"Halkii qof oo ay saxiixi jireen shantii sano mar shaqo kale oo badan ayaan u samaynaynaa halkaasna yay baqdin ka qaadin ummaddii oo dhan bay hogaaminayaan," ayuu hoosta ka xariiqay.

Dhawaqan ayuu Deni ka sheegay Degmada Buurtinle ee Gobolka Nugaal halkaasoo uu booqasho ku tagay isla markaana xukuumadiisa ka wado ololaha diiwaan-gelinta doorashooyinka lagu muransan yahay.

Beesha Caalamka ayaa uga digtey xukuumadda Deni in ay qabato diiwaan-gelin doorasho oo hal dhinac ah. Diblumaasiyiinta oo madaxweynaha kula kulmay Muqdisho ayaa ku waaniyey in uu wadar-ogol raadiyo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM