Deni oo amar duldhigay Bangiyadda

Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland - Madaxweynaha Dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta kulan la qaatay ganacsatada heerarkeeda kala duwan, waxgaradka iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada Puntland.

Madaxweynaha oo hadal u jeediyay Bulshada ayaa aad u faahfaahiyey arrimaha la xiriira sicirka sarifka , cabashooyinka dowladda soo gaaray iyo go’aamada ay kasoo saartay dowladdu oo waxbadan xaaladda dejiyay.

Wuxuu Madaxweynuhu bulshada la wadaagay in Dowladdu go’aamisay in Bangiga Dowladda, kuwa gaarka loo leeyahay iyo Shirkaddaha xawaaladaha la faray inay sameeyaan qeyb sarifta lacagaha.

“Laga billaabo berito Bangiga Dowladda waxaan farayaa inuu Sarifo Doolarka, si dadka Shillin Soomaaliga u haysta uu doolar u siiyo, kuwa Doolarka watana uu Soomaali ugu bedelo," ayuu yiri.

Wuxuu ku daray: "Bangiyada kale ee gaarka loo leeyahay iyo shirkaddaha xawaaladaha iyagana waxaan faraynaa inay qeyb sarif sidaasi oo kale sameeyaan".

"Sicirka sarifka iyo wadashaqeynta Bangiyada waxaa si dhow ula soconaya Hay’addaha ku shaqo leh oo Bangiga Dowladda iyo Wasaaradda Maaliyadda u horeeyaan," ayuu xusay.

Ganacsatada iyo bulshada kale ee kulanka ka qeybgalay ayaa aad usoo dhoweeyay go’aanka Madaxweynaha, iyagoo uga mahadceliyay dadaalka dowladdu ku bixisay inay wax ka qabato cabashada la xiriirta sicirka sarifka lacagaha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM