Deni oo amar duldhigay hay'addaha dowlada Puntland

Image
Image

GAROWE, Puntland - Madaxweynaha Dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa guddoomiyay Shirka dib-u-habeynta iyo kor u qaadista dakhliga Dowladda Puntland.

Kulanka oo uu Madaxweynaha ku weheliyay Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda, Axmed Cilmi Cismaan Karaash, waxaa Guddiga dib-u-habeynta dakhliga hoose ee Dowlaada ay kusoo bandhigeen warbixin ay kasoo ururiyeen Wasaaradaha iyo Hay’addaha dowladda taasi oo lagu soo bandhigay dakhli hoosaadyada ay qaadaan.

"Dib-u-habeynta iyo kobcinta dakhliga Dowladda waxay sahlaysa hirgelinta Khasnada mideysan, horumarinta maamul wanaaga, in aan dakhligu uusan meel dhexe kulumin iyo in shacabka culayska laga illaaliyo," ayay tiri Madaxtooyada Puntland.

Deni ayaa bogaadiyey shaqada ay qabteen Guddiga dib-u-habeynta dakhliga, wuxuuna la wadaagay golaha in qorshahan qeyb ka yahay tayeynta iyo horumarinta guud ahaan hufnaanta maaliyadda.

Dhammaan Hay’addaha dowladda ayuu cod dheer ku faray in wadajir looga shaqeeyo kor-u-qaadista dakhliga iyo hirgelinta Khasnada mideysan.

Shirka waxaa ka qeybgalay Wasiirada, Agaasimeyaasha guud, Xisaabiyaha guud, Garyaqaanka guud, Hanti-dhowrka guud, Bangiga Dowladda, Guddoomiyeyaasha qaar ka mid ah degmooyinka, lataliyeyaal Madaxweyne iyo Saraakiil Madaxtooyo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM