Deni oo amar duldhigay hay'addaha dowlada Puntland

Image
Image

GAROWE, Puntland - Madaxweynaha Dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa guddoomiyay Shirka dib-u-habeynta iyo kor u qaadista dakhliga Dowladda Puntland.

Kulanka oo uu Madaxweynaha ku weheliyay Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda, Axmed Cilmi Cismaan Karaash, waxaa Guddiga dib-u-habeynta dakhliga hoose ee Dowlaada ay kusoo bandhigeen warbixin ay kasoo ururiyeen Wasaaradaha iyo Hay’addaha dowladda taasi oo lagu soo bandhigay dakhli hoosaadyada ay qaadaan.

"Dib-u-habeynta iyo kobcinta dakhliga Dowladda waxay sahlaysa hirgelinta Khasnada mideysan, horumarinta maamul wanaaga, in aan dakhligu uusan meel dhexe kulumin iyo in shacabka culayska laga illaaliyo," ayay tiri Madaxtooyada Puntland.

Deni ayaa bogaadiyey shaqada ay qabteen Guddiga dib-u-habeynta dakhliga, wuxuuna la wadaagay golaha in qorshahan qeyb ka yahay tayeynta iyo horumarinta guud ahaan hufnaanta maaliyadda.

Dhammaan Hay’addaha dowladda ayuu cod dheer ku faray in wadajir looga shaqeeyo kor-u-qaadista dakhliga iyo hirgelinta Khasnada mideysan.

Shirka waxaa ka qeybgalay Wasiirada, Agaasimeyaasha guud, Xisaabiyaha guud, Garyaqaanka guud, Hanti-dhowrka guud, Bangiga Dowladda, Guddoomiyeyaasha qaar ka mid ah degmooyinka, lataliyeyaal Madaxweyne iyo Saraakiil Madaxtooyo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM

Puntland oo soo afjartay awooddii ciidamada isbarbar socda kaddib hawlgalladii Gaalkacyo iyo Boosaaso

Xogaha ayaa sheegaya in qorshaha dowladda muddo-xileedkeedu dhammaaday uusan …

  • Puntland

    07-08-2026

  • 04:51AM