Madaxweyne Saciid Deni oo hambalyo u diray Axmed Xuseen

Image

GAROWE, Puntland - Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa wuxuu hambalyo u diray Axmed Xuseen oo dib loogu doortay xubinimadda baarlamaanka waddanka Kanada

Axmed, oo Soomaal-Canadian ah, ayaa laga soo doortay xaafadda Weston ee gobolka Ontario, wuxuuna helay in ka baddan saddex kun oo kamid ah codadkii la dhiibtay.

Xisbiga afkaartiisu furfuran tahay ee Xorriyadda ayuu ka tirsan yahay. Tan iyo bishii Janaayo ee sanadkii 2017-kii, waxa uu ahaa Wasiirka Arrimaha Socdaalka ee Canada.

Balse xisbigan ayaa dharbaaxo kala kulmay codeynta, wallow uu helay kuraasta ugu badan ee baarlamaanka, haddana kaligii masoo dhisi karo xukuumad middeysan.

Maadaama uu lumiyey aqlabiyadda guud ee xeer-dejinta, xisbi kale ayuu u baahan yahay in uu wada hadalo la galo si ay u wada dhistaan dowlad midnimo Qaran ah.

Madaxtooyadda Puntland ayaa shaacisay in Deni oo u rajeynayo Axmed in uu EBBE u fududeeyo waajibaadka muhiimka ah ee uu hayo shacabka iyo qaranka Canada.

"Madaxweyne Deni ayaa xusay in Xildhibaan Axmed Xuseen uu yahay masuul Soomaaliyeed oo huwan magaca, sharafta iyo milgaha Ummadda Soomaaliyeed," ayaa ayay tiri.

Xuseen oo qaxooti ahaan ku galay waddankaas ayaa sababtay in uu albaabada u furo soo galootiga oo ay ku jiraan Soomaalida oo haatan safka hore kaga jira horumarka Canada.

"Wuxuu garab muuqda uu siiyey dad badan oo African ah mudadii uu xilka hayey, Wasiirka ayaa xubin firfircoon ka ah xisbiga Liberal-ee dalkaasi. Axmed Xuseen waa shaqsi wanaagsan oo ka adag shaqadiisa".

Intii lagu guda jiray ololaha doorashadda, Axmed Xuseen ayaa loolanka ugu badan kala kulmayey xisbiga mucaaradka ee Muxaafadka, kaasoo kaalinta labaad ka galay coddeynta.

"....isla markaana waxa uu Rabbi "SWC" uga baryey inuu u sakhiro muraadkiisa siyaasadeed, kan shaqo iyo mid shakhsiyadeedba," ayaa lagu soo gabagabeeyay warka qoraalka ah ee Puntland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamadda Puntland oo qabtey nin ku hubaysan walxaha qarxa

Howlgalkan ayaa xalay saqdii dhexe waxa uu ka dhacay qeybo kamid ah magaalada Boosaaso.

  • Puntland

    13-05-2024

  • 05:32PM

Puntland iyo Sweden oo ka shiray iskaashi dhanka mashaariicda horumarinta

Madaxweyne Deni ayaa Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Safiirka Dowladda Sweden ee Soomaaliya, Joachim Waern.

  • Puntland

    13-05-2024

  • 03:34PM