Madaxweyne Saciid Deni oo hambalyo u diray Axmed Xuseen

Image

GAROWE, Puntland - Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa wuxuu hambalyo u diray Axmed Xuseen oo dib loogu doortay xubinimadda baarlamaanka waddanka Kanada

Axmed, oo Soomaal-Canadian ah, ayaa laga soo doortay xaafadda Weston ee gobolka Ontario, wuxuuna helay in ka baddan saddex kun oo kamid ah codadkii la dhiibtay.

Xisbiga afkaartiisu furfuran tahay ee Xorriyadda ayuu ka tirsan yahay. Tan iyo bishii Janaayo ee sanadkii 2017-kii, waxa uu ahaa Wasiirka Arrimaha Socdaalka ee Canada.

Balse xisbigan ayaa dharbaaxo kala kulmay codeynta, wallow uu helay kuraasta ugu badan ee baarlamaanka, haddana kaligii masoo dhisi karo xukuumad middeysan.

Maadaama uu lumiyey aqlabiyadda guud ee xeer-dejinta, xisbi kale ayuu u baahan yahay in uu wada hadalo la galo si ay u wada dhistaan dowlad midnimo Qaran ah.

Madaxtooyadda Puntland ayaa shaacisay in Deni oo u rajeynayo Axmed in uu EBBE u fududeeyo waajibaadka muhiimka ah ee uu hayo shacabka iyo qaranka Canada.

"Madaxweyne Deni ayaa xusay in Xildhibaan Axmed Xuseen uu yahay masuul Soomaaliyeed oo huwan magaca, sharafta iyo milgaha Ummadda Soomaaliyeed," ayaa ayay tiri.

Xuseen oo qaxooti ahaan ku galay waddankaas ayaa sababtay in uu albaabada u furo soo galootiga oo ay ku jiraan Soomaalida oo haatan safka hore kaga jira horumarka Canada.

"Wuxuu garab muuqda uu siiyey dad badan oo African ah mudadii uu xilka hayey, Wasiirka ayaa xubin firfircoon ka ah xisbiga Liberal-ee dalkaasi. Axmed Xuseen waa shaqsi wanaagsan oo ka adag shaqadiisa".

Intii lagu guda jiray ololaha doorashadda, Axmed Xuseen ayaa loolanka ugu badan kala kulmayey xisbiga mucaaradka ee Muxaafadka, kaasoo kaalinta labaad ka galay coddeynta.

"....isla markaana waxa uu Rabbi "SWC" uga baryey inuu u sakhiro muraadkiisa siyaasadeed, kan shaqo iyo mid shakhsiyadeedba," ayaa lagu soo gabagabeeyay warka qoraalka ah ee Puntland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM