Deni oo baaq kasoo saarey kiisaska kufsiga ee horyaala maxkamadaha

Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland - Madaxweynaha Dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa wuxuu ka qayb galay munaasabadda maalinta Caalamiga ah ee Haweenka Adduunka (International Women’s Day) oo maanta ka qabsoontay magaala madaxda Garoowe.

Munaasabadda xuska maalinta caalamiga ah ee Haweenka Adduunka waxaa Madaxweyne Deni kala qayb galay Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Arrimaha Qoyska Aamino Cismaan Xaaji Jaamac.

Si lamid ah waxaa qeyb ka ahaa Wasiir Ku-xigeenka Wasaaraddaasi Sahra Cabdi Xirsi, qaar kamid ah Goleyaasha Dowladda Puntland, saraakiil ka socda Hay'addaha UN-ka iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland.

Madaxweynaha Puntland ayaa ka jeediyey xuska maalintan caalamiga ah ee Haweenka Adduunka khudbad muhiim ah, taasi oo uu kaga hadlay doorka muhiimka ah ee haweenka aduunka, kuwa Soomaaliyeed, gaar ahaan Puntland ku leeyihiin bulshadooda iyo ka qayb qaadashada horumarinta dowladdooda.

"Waxad wada ogtihiin kayskii Caasho, ood makhraanti ka tihiin inuu si hufan kusoo dhammaaday. Waxan halkan uga baaqayaa iyadana maxkamadaha iyo cidda sharciga gacanta ku haysa kiis kasta oo kaa lamid ah inay waddo sharci ah oo cadaalad ah mariyaan".

Wuxuu xusay: "Waxaan kaloo u sheegayaa dadweynaha mararka qaybtood inaysan kahor dhicin maraaxisha maxkamaduhu maraan".

"Waxaad ogtihiin Caa'isha sidaas oo kalaa waxaa loo oran jiray, kayskeeda waa la musuq maasuqay, waxaanaa dhacay, kanaa dhacay .... indhihiinnaad markhaanti uga ahaydeen, kuwa kale oo hadda socdana waxaan rajaynayaa in laga war sugo," ayuu kusoo xiray.

MUUQAALKA DENI

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM