Deni oo baaq u jeediyey Hogaanka Dhaqanka gobolka Bari

Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland - Madaxweyne Deni ayaa shalay Qado Sharaf ugu sameeyay degaanka Jibigalle ee duleedka Garoowe, qaar ka mid ah Hogaanka dhaqanka ee Gobolka Bari oo ku sugnaa caasimada.

Kulanka waxaa ka qeybgalay Guddoomiyaha Golaha Wakiiilada, qaar ka mid ah labada Gole ee Dowladda, Saraakiil Madaxtooyo, Hoggaanka Dhaqanka, Ganacsato iyo marti sharaf kale.

Deni ayaa bogaadiyey kaalinta muhiimka ah ee hoggaanka dhaqanku ku leeyihiin Dhismihii iyo illaalinta jiritaanka Puntland.

Madaxweynaha ayaa kula dardaarmay in ay halkaasi hore ugasii wadaan kana shaqeeyaan nabadgelyada, midnimada iyo horumarka Puntland.

"Hoggaanka Puntland wuxuu ku dhisan yahay waa hoggaanka siyaasadeed ee maamulka markaas la doorto iyo isimmada oo u ah asaas iyo meel loo laabto," ayuu yiri.

Wuxuu ku daray: "Labadaas hay’adood oo runtii is kabaya, waxay ka mid yihiin nimcooyinka Ilaahay uu ina siiyey, oo u baahan in la ilaaliyo".

Hogaanka Dhaqanka ee Gobolka Bari ayaa Madaxweynaha uga mahadceliyey qado sharafta iyo is-xog-wareysiga,

Ugu dambeyntii, waxay carabka ku adkeeyeen in marwalba dhaqanku garab taagan yihiin dowladdooda, illaalinta nabadgelyada iyo horumarka guud ahaan degaanada kala duwan ee hoos-yimadda Puntland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM