Deni: Dhalinyaroy gacmaha is-qabsada dalka maanta ayuu idin baahan yahay

Image

GAROWE, Puntland - Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo ku hadlaya magaciisa iyo kan Goleyaasha dowladdaba ayaa dhallinyarada Soomaliyeed, gaar ahaan dhallinta Puntland ugu hambalyeeyey maalinta 15-Ka May oo ku beegan 76 guuradii kasoo wareegtey aas-aaskii ururkii gobanimo doonka Soomaaliyeed ee SYL.

“Hambalyo dhallinyarada Soomaaliyeed, hambalyo dhallinta Puntland oo maanta ay u tahay sannad guuradii 76-aad ee aas-aaskii Ururkii gobonimo doonka ee SYL, Soomaaliya waxa halkan soo gaarsiiyey waa dhallinyaro dedaashey, mana jirto maalin uu dalkeenna idinkaga baahi badan yahay maanta, waa in aad dalka horumarkiisa ka shaqaysaan, Gacmaha isqabsataan, kuna baraarugsanaataan sidii aad horumar u gaari-lahaydeen, dalkana aad horumar u gaarsiin lahaydeen" Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

Maalinta 15-ka May waxaa ay ku weyntahay ummadda Soomaaliyeed oo dhan, gaar ahaan tariikhda gobonimadoonka Soomaaliyeed, waana maalintii la aas-aasay ururkii SYL sanadku markuu ahaa 1943, kaas oo ay dhidibada u taageen 13 dhallinyaro Soomaaliyeed oo hadafkoodu ahaa sidii ummada Soomaaliyeed ay uga xoroobi laheyd Gumaystihii xilligaasi, arrintaas oo ugu danbeyn guul laga gaaray 1960.

Madaxweynaha Puntland ayaa dhallinyaradii ururka SYL Alle uga baryey inuu dembigooda dhaafo, kuna abaalmariyo acmaashoodii wanaagsanayd iyo dhaxalkooda taariikhdu maanta xusayso ee ay dalkooda, dadkooda, diintooda iyo nafahoodaba u dhiteeyeen.

Ugu dambey, Madaxweynaha Dowadda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa kula dardaarmay dhallinyarada Soomaaliyeed in ay u istaagaan dalkooda oo ay badbaadiyaan mustaqbalkooda iyo midka jiilka soo-socdaba, si looga mira-dhaliyo hadafkii dhallintii u istaagtey sidii uu dalkan ku hagaagi lahaa, u xoroobilahaa, horumar u gaadhilahaa, nabad iyo xasilooni waartaa ugu waari lahaa

Puntland State House

Related Articles

Ciidamadda Puntland oo qabtey nin ku hubaysan walxaha qarxa

Howlgalkan ayaa xalay saqdii dhexe waxa uu ka dhacay qeybo kamid ah magaalada Boosaaso.

  • Puntland

    13-05-2024

  • 05:32PM

Puntland iyo Sweden oo ka shiray iskaashi dhanka mashaariicda horumarinta

Madaxweyne Deni ayaa Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Safiirka Dowladda Sweden ee Soomaaliya, Joachim Waern.

  • Puntland

    13-05-2024

  • 03:34PM