Deni oo Boosaaso kula kulmay safiirka Mareykanka ee Soomaaliya

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

BOOSAASO, Puntland – Wafdi uu horkacayo safiirka Mareykanka u fadhiya Soomaaliya ayaa maanta gaarey magaaaladda Boosaaso, xarunta gobolka Bari.

Danjire Donald Yamamoto iyo wafdigiisa ayaa la kulmay Madaxwaynaha dowladda Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni iyo xubno kamid ah wasiiradiisa.

Kulanka waxaa qayb ka ahaa Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuquraadiyaynta, Maxamed Cabdiraxmaan Dhabanacad, Wasiirka Wasaaradda Amniga iyo DDR Cabdisemed Maxamed Galan iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Puntland Maxamed Cabdiladiif Yuusuf.

Kulanka labadda dhinac dhex-maray oo qaatay saacado ayaa waxaa diiradda lagu saaray arrimo ay kamid yihiin amniga, dhaqaalaha iyo bini’aadantinimadda.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuquraadiyaynta Maxamed Cabdiraxmaan Dhabanacad ayaa ka warbixiyey kulanka.

“Waxaa maanta booqasho ku yimid Boosaaso safiirka Soomaaliya u fadhiya Maraykanka Ambassador Yamamoto isaga oo la kulmay Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo xubno ka tirsan Golaha Wasiiradda," ayuu yiri.

Sidoo kale labada mas'uul ayaa si qoto dheer uga wada hadlay taageerada uu Mareykanka siiyo guud ahaan Soomaaliya gaar ahaan Puntland.

"kulankaas oo looga wada-hadlay arrimaha amniga, dhaqaalaha iyo arrimaha bani aadan-tinimada, waxaa si qoto dheer looga wada-hadlay loogana falanqooday taageerada dalka maraykanku siiyo guud ahaan Soomaaliya, gaar ahaan Puntland ee la xiriira taageerada dhanka amniga, kobcinta dhaqaalaha iyo xasilinta dalka, shirkaas waxaa uu ku soo dhamaaday is afgarad iyo jawi wanaagsan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM

Puntland oo soo afjartay awooddii ciidamada isbarbar socda kaddib hawlgalladii Gaalkacyo iyo Boosaaso

Xogaha ayaa sheegaya in qorshaha dowladda muddo-xileedkeedu dhammaaday uusan …

  • Puntland

    07-08-2026

  • 04:51AM