Deni oo Boosaaso kula kulmay safiirka Mareykanka ee Soomaaliya

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

BOOSAASO, Puntland – Wafdi uu horkacayo safiirka Mareykanka u fadhiya Soomaaliya ayaa maanta gaarey magaaaladda Boosaaso, xarunta gobolka Bari.

Danjire Donald Yamamoto iyo wafdigiisa ayaa la kulmay Madaxwaynaha dowladda Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni iyo xubno kamid ah wasiiradiisa.

Kulanka waxaa qayb ka ahaa Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuquraadiyaynta, Maxamed Cabdiraxmaan Dhabanacad, Wasiirka Wasaaradda Amniga iyo DDR Cabdisemed Maxamed Galan iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Puntland Maxamed Cabdiladiif Yuusuf.

Kulanka labadda dhinac dhex-maray oo qaatay saacado ayaa waxaa diiradda lagu saaray arrimo ay kamid yihiin amniga, dhaqaalaha iyo bini’aadantinimadda.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuquraadiyaynta Maxamed Cabdiraxmaan Dhabanacad ayaa ka warbixiyey kulanka.

“Waxaa maanta booqasho ku yimid Boosaaso safiirka Soomaaliya u fadhiya Maraykanka Ambassador Yamamoto isaga oo la kulmay Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo xubno ka tirsan Golaha Wasiiradda," ayuu yiri.

Sidoo kale labada mas'uul ayaa si qoto dheer uga wada hadlay taageerada uu Mareykanka siiyo guud ahaan Soomaaliya gaar ahaan Puntland.

"kulankaas oo looga wada-hadlay arrimaha amniga, dhaqaalaha iyo arrimaha bani aadan-tinimada, waxaa si qoto dheer looga wada-hadlay loogana falanqooday taageerada dalka maraykanku siiyo guud ahaan Soomaaliya, gaar ahaan Puntland ee la xiriira taageerada dhanka amniga, kobcinta dhaqaalaha iyo xasilinta dalka, shirkaas waxaa uu ku soo dhamaaday is afgarad iyo jawi wanaagsan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM

Puntland oo Qabanaysa Shir Ku saabsan Dhismaha Dawladnimada Soomaaliya

Madaxweyne Deni ayaa intaa ku daray, “Siyaasiyiintu mararka qaar waxay leeyihiin danahooda gaarka ah.

  • Puntland

    11-12-2025

  • 09:39AM