Deni oo cambaareeyay weerarkii Maka Al Mukarama

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxwaynaha dowladda Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa si kulul u cambaareeyay weerarkii ay Al-Shabaab xalay ka geystay wadada Maka Al Mukarama ee Muqdisho.

Deni ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray ehelada ay ka baxeen dadkii lagu xasuuqay weerarkaasi, oo ku bilowday gaari walxaha qarxa lagu soo raray oo ku qarxay kasoo horjeeda hotel Hilaac UK oo ku degan Maka Al Mukarama.

Hogaamiyaha Puntland ayaa dalbaday in hal meel looga soo wada jeesto "cadowga umadda Soomaaliyeed si looga hortago dhagarta ay mar walba u maleegayaan dadka rayidka ah".

Inta la xaqiijiyay 30 qof oo u badan shacab ayaa lagu laayey dhacdadaan xili ay ku dhaawacmeen ku dhowaad 60 kale, kuwaasi oo la dhigay goobaha caafimaadka halkaasi oo lagu daaweynayo.

Laamaha amaanka ee Soomaaliya ayaa howlgal kawada dhismayaal ku yaala Aaga ay wax ka dhaceen, halkaasi oo la sheegayo in qaar kamid ah ay ku jiraan dabley isku dayday in ay gasho hotel Maka Al Mukarama.

Al-Shabaab oo dusha saaratay mas'uuliyada falkaan ayaa tilmaamtay in bartilmaameedkoodu uu ahaa huteelkaasi inkasta oo goobta ay ku yaaliin dhismayaal kale oo muhiim ah.

Xoogaga dowlada oo si lamid ah sheegtay in ay toogteen qaar kamid ah kooxihii duulaanka soo qaadey ayaa guryo leeyihiin shacab oo ay dableyda gashay kasoo badbaadiyey dadkii ku noolaa halkaasi.

Xukuumada Federaalka ah wali war rasmi ah kama aysan soo saarin weerarka, oo ay ku qaatay ciidamada nabad-gelyada in ay soo afjaraan in ka badan tobban saacadood.

HOOS KA AKHRISO WAR-SAXAAFADEEDKA

GAROWE ONLINE

GAROWE ONLINE

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM