Deni oo ciidamada Puntland siiyey amar adag oo ka dhan ah argagixisada

Image

GAROWE, Puntland – Ciidamada Puntland waa in ay goobta ay arkaan ku toogtaan cid kasta oo cadow ku ah jiritaanka maamulka isla markaana sameysa iska caabin iyaddoo hubeysan, sidda uu faray madaxweynaha.

Saciid Cabdullaahi Deni oo ka hadlay munaasabad tababar loogu soo xiray ururo kamid noqonaya ciidanka difaaca Puntland ayaa si cad u sheegay in ay ka go'an tahay in mudankiisa la marsiiyo "cadowga maamulkan".

Isagoo hadalkiisa sii wata, Deni ayaa ku nuux-nuux saday in xukuumadiisu ahmiyadda koowaad siineyso ciribtirka kooxaha argagixisada ah.

"Waxan ku dardaarmayaa, cadow kasta oo Puntland leedahay ama kuwa ku dhex-jira ee argagixisada ah ama kuwa dhulka Puntland leedahay haysta in ay u diyaar-garoobaan in Puntland ay iska dhicineyso, diyaarna u tahay awoodeeda dastuuriga ah ay ku dhaqanto soo ceshato dhulka ka maqan, ciribtirto argagixisada, diyaarna u tahay cid kasta oo hadda xadgudub ku haysa in wadahadal hadii ay ku heleyso la gasho haddey ku waydana awood ay kusoo ceshaneyso," ayuu kaga dhawaajiyey munaasabada ciidan.

Somaliland oo sheeganeyso qaybo kamid ah dhulka Puntland gaar ahaan gobolada Sool, Sanaag iyo Ceyn ayuu ugu baaqay in ay si nabad ah uga baxaan, haddii kale uu maamulka kusoo ceshanayo awood ciidan.

"Waxaan kaloo u sheegeynaa ururada argagixisada ah afraada ka tirsan ee buuraha Calmadow iyo Calmiskaas ku dhuumaaleysaneysa 'waqtigiina waa gabaabsi' waxaan u rajeyneynaa dad degaanadan ka tirsan haddey kamid yihiin in ay dowlada Puntland isku soo dhiibaan; dad degaano kale ka yimid oo aan nabad-gelyo u imaan dalkanna ay isaga baxaan degaanadan," ayuu raaciyey, isagoo balanqaadey in aan loo naxariisan doonin ciddii diida baaqaas.

Inkasta oo uu ciidamadda ugu baaqay in ay toogtaan cid kasta oo hubeysan oo "cadow ku ah Puntland", Deni ayaa dhanka kale wuxuu ku booriyey in ay si weyn uga taxadaraan waxyeelo soo gaarta dadka shacabka ah.

"Maxkamadaha xitaa la lama sugayo maxaa yeelay cadowga hadda jira wejiyo badan buu yeeshay," ayuu hoosta ka xariiqay, isagoo si lamid ku dhiirageliyey ciidanka in ay ka fogaadaan in cid aan wax galabsan ay xiraan.

Ciidamadda Puntland ayaa waxay bilooyinkii lasoo dhaafay guulo kala duwan kasoo hooyeen gulufyo balaaran oo ay ku qaadeen degaanada ay ka howlgalaan argagixisada, waxaana ay ka khaarijiyeen maleeyshiyaad badan.

MUUQAALKA DENI

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Beenisay Warbixin ay Qortay Middle East Eye

Warbixintaas oo cinwaan looga dhigay “Inside the UAE’s secret operation at Somalia-Sudan Bosaso” ayaa ku dooday…

  • Puntland

    07-11-2025

  • 11:07AM

Puntland oo Beenisay Eedeynta Wasiirka Difaaca Soomaaliya Axmed Maclin Fiqi

Fiqi ayaa sidoo kale ka hadlay eedeymo sheegaya in dagaalyahanno ajnabi ah loo dhoofinayay dagaallo ka socda dalal kale.

  • Puntland

    06-11-2025

  • 04:58PM