Deni oo daah-furay ololaha talaalka iyo daaweynta Xoolaha Puntland

Image
Image
Image
Image

BOOSAASO, Puntland - Madaxweynaha Dowladda Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa daah-furay Ololaha Talaalka iyo Daaweynta Xoolaha Puntland, kaasoo la gaarsiin doono 5 Milyan oo kamid ah xoolaha kunool 9 gobol ee Puntland.

Xoolaha ayaa laga tallaalayaa cudurka ku dhaca Sambabka Ariga waxaana uu soconaya muddo laba bilood ah.

Munaasabadda daah-furka waxaa Madaxweynaha ku wehelinayay Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Puntland Siciid Cisman Aadan (Fiisigis), Shaqalaha Wasaaradda Dhakhaatiirta xoolaha soo daweyndoona iyo Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada.

Madaxweynaha dowladda Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa muujiyay sida uu ugu faraxsanyahay inuu saaka ambabixiyo dhakhaatiirta soo tallaali doona 5 Milyan oo kamida Xoolaha Puntland, waxa uu sheegay in xooluhu ay yihiin laf-dhabarta dhaqaale ee dalka, isla markaana ay inoo leeyihiin faa'idooyin badan, sidaas darteedna loo baahan yahay in laga warqabo Xoolaha Caafimaadkooda.

“Runtii waxaa farxad maanta noo ah in aan daah-furayno shaqo hal bowle u ah horumarka Puntland, sida la sheegey dhaqaaleheenna waxaa laf-dhabar u ah xoolaha. Waxa xooleheenna marar badan suuqyadii loo dhoofin jiray looga xiray xanuun dartii, waxaan aad ugu rajo weynahay in Puntland ku guuleysato inay dhammaan xanuunnada faafa iyo kuwa khatarta ahba cidhib tirto”

Ugu danbayn, Madaxweynaha, Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa neefkii ugu horeeyay Tallaalka siiyay, dhakhaatiirta ayuu kula dardaarmay inay xil iska saaraan howsha loo igmaday,waxaana uu bogaadiyay Wasasaradda Xanaanada Xoolaha Dowladda Puntland oo qorshahaan soo diyaarisay, isagoo tilmaamay inuu rajo wanaagsan ka qabo inuu guul ku soo dhammaado talaalka xoolaha Puntland.

Related Articles

Ciidamadda Puntland oo qabtey nin ku hubaysan walxaha qarxa

Howlgalkan ayaa xalay saqdii dhexe waxa uu ka dhacay qeybo kamid ah magaalada Boosaaso.

  • Puntland

    13-05-2024

  • 05:32PM

Puntland iyo Sweden oo ka shiray iskaashi dhanka mashaariicda horumarinta

Madaxweyne Deni ayaa Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Safiirka Dowladda Sweden ee Soomaaliya, Joachim Waern.

  • Puntland

    13-05-2024

  • 03:34PM