Barnaamijka qorsheynta dhulka Garowe oo la daahfuray

Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland - Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa Isniinta maanta ah dhaggax dhigay shan waddo oo laami ah kuwaasi laga hirgelinayo caasimadda Garoowe kana mid ah mashaariicda horumarinta.

Wadooyinkan oo dhismahooda uu maalgelinayo Baanka Aduunka ayaa, sida ku xusan warbixinada waxay kala yihiin; Wadada Necsom, Towfiiq, Injida, Jidka 30-ka iyo Wadajir.

"Waxaana tani qeyb ka tahay qorshaha horumarinta magaalooyinka Puntland," ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Puntland oo lagu daabacay ciwaankeeda Facebook.

Warsidaha Garowe Online ayaa fahansan in Puntland lagu ammaanay qaabka daahda furan ee ay u dhaqan-gelisay mashaariicda horumarinta ee deeq-bixiyeyaasha caalamiga ah.

Dhanka kale, Deni oo ay wehliyaan mas'uuliyiin kala duwan oo dhowr ah ayaa isla maanta wuxuu daah furay Barnaamijka Qorsheynta Dhulka magaala madaxda Garoowe.

Kulanka oo ka dhacay xarunta Hay’adda Cilmi baarista Puntland ee PDRC ayaa lagu soo bandhigay xog maqal iyo muuqaal ah oo hab farshaxameysan ay Dowladda hoose ee Garoowe ku faahfaahisay Qorsheynta dhulka caasimadda iyo sida loo hirgelinayo.

Madaxweyne Deni ayaa u digay dadka inta badan dhulka xoogga ku qabsaday, isagoo faray laamaha amniga iyo hay’adda garsoorka in dadkii lagu helo Dhul boob la marsiiyo sharciga.

Deni ayaa muujiyay muhiimada ay leedahay in Mustaqbalka Garoowe loo diyaariyo mid horumarsan oo ka quruxbadan dhinac dhisme iyo dhinac kasta, wuxuuna ku baaqay dowlad iyo shacaba in taasi laga wada shaqeeyo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM

Puntland oo soo afjartay awooddii ciidamada isbarbar socda kaddib hawlgalladii Gaalkacyo iyo Boosaaso

Xogaha ayaa sheegaya in qorshaha dowladda muddo-xileedkeedu dhammaaday uusan …

  • Puntland

    07-08-2026

  • 04:51AM