Barnaamijka qorsheynta dhulka Garowe oo la daahfuray

Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland - Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa Isniinta maanta ah dhaggax dhigay shan waddo oo laami ah kuwaasi laga hirgelinayo caasimadda Garoowe kana mid ah mashaariicda horumarinta.

Wadooyinkan oo dhismahooda uu maalgelinayo Baanka Aduunka ayaa, sida ku xusan warbixinada waxay kala yihiin; Wadada Necsom, Towfiiq, Injida, Jidka 30-ka iyo Wadajir.

"Waxaana tani qeyb ka tahay qorshaha horumarinta magaalooyinka Puntland," ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Puntland oo lagu daabacay ciwaankeeda Facebook.

Warsidaha Garowe Online ayaa fahansan in Puntland lagu ammaanay qaabka daahda furan ee ay u dhaqan-gelisay mashaariicda horumarinta ee deeq-bixiyeyaasha caalamiga ah.

Dhanka kale, Deni oo ay wehliyaan mas'uuliyiin kala duwan oo dhowr ah ayaa isla maanta wuxuu daah furay Barnaamijka Qorsheynta Dhulka magaala madaxda Garoowe.

Kulanka oo ka dhacay xarunta Hay’adda Cilmi baarista Puntland ee PDRC ayaa lagu soo bandhigay xog maqal iyo muuqaal ah oo hab farshaxameysan ay Dowladda hoose ee Garoowe ku faahfaahisay Qorsheynta dhulka caasimadda iyo sida loo hirgelinayo.

Madaxweyne Deni ayaa u digay dadka inta badan dhulka xoogga ku qabsaday, isagoo faray laamaha amniga iyo hay’adda garsoorka in dadkii lagu helo Dhul boob la marsiiyo sharciga.

Deni ayaa muujiyay muhiimada ay leedahay in Mustaqbalka Garoowe loo diyaariyo mid horumarsan oo ka quruxbadan dhinac dhisme iyo dhinac kasta, wuxuuna ku baaqay dowlad iyo shacaba in taasi laga wada shaqeeyo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM