Deni oo daahfuray deeq waxbarasho ay Dowladda Puntland bixisay

Image
Munaasabadda waxaa ka qeybgalay Goleyaasha Dowladda, Maamulka Jaamacadda Bariga Africa , Golaha deegaanka ee degmada Boosaaso iyo Marti sharaf kale.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta xariga ka jaray Deeq Waxbarasho oo ay Dowladdu bixisay iyadoo kaashanaysa Jaamacadda Bariga Africa ee Boosaaso, taasi oo in ka badan 30 Arday lagu barayo Cilmiga Badda iyo Kalluumeysiga .

Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa muujiyey muhiimada ay Dowladdu siinayso sidii dadka reer Puntland loogu diyaarin lahaa in ay ka faa’idestaan kheyraadka badeenna ku jira, wuxuuna xusay in hadda Ardayda deeqda Waxbarasho lasiiyey ay bilow u tahay ka faa’ideysiga iyo maalgashiga kheyraadka Badda oo loo baahanyahay in ay lawada qeyb qaataan dhammaan dhinacyada kala duwan ee bulshada .

Madaxweynaha ayaa intii ay munaasabadda socotay shahaadooyin guddoonsiiyey 4 Arday oo Dowladdu deeq waxabarasho ugu dirayso dalka dibeddiisa kuwaasi oo waxbarashada heerka labaad (Master) kusoo baran doona cilmiga Badda iyo kalluumeysiga .

Munaasabadda waxaa ka qeybgalay Goleyaasha Dowladda, Maamulka Jaamacadda Bariga Africa , Golaha deegaanka ee degmada Boosaaso iyo Marti sharaf kale.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo soo afjartay awooddii ciidamada isbarbar socda kaddib hawlgalladii Gaalkacyo iyo Boosaaso

Xogaha ayaa sheegaya in qorshaha dowladda muddo-xileedkeedu dhammaaday uusan …

  • Puntland

    07-08-2026

  • 04:51AM

Puntland oo qabatay 250 tuute oo ka yimid Galmudug kadib digniin ay dirtay

Puntland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe isku khilaafsanaa arrimo siyaasadeed iyo amni.

  • Puntland

    28-07-2026

  • 07:56AM