Deni oo daahfuray machad shaqo muhiim ah qabanaya

Image
Image
Image
Image
Waxaa mashruucan iska kaashanaya Dowladda Puntland ee Soomaaliyeed iyo Dowladda Kenya.

GAROWE, Puntland - Madaxweynaha Dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Axadda maanta ah wuxuu si rasmiya ah u daah-furay Machad-ka Tababarka Shaqaalaha Rayidka ah ee Dowladda Puntland.

Machad-ka ayaa loo qorsheeyay sanadka u horeeya in uu tababaro 1,000 Shaqaale ah, kuwaasi oo macalimiintii tababari lahayd iyaga  waxbarasho loogu dirayo Kenya Bishan gudaheeda.

Waxaa mashruucan iska kaashanaya Dowladda Puntland ee Soomaaliyeed iyo Dowladda Kenya, iyadoo wada shaqeyn toos ah ay dhexmari doorto  Machad-ka Tababarka Shaqaalaha Dowladda Kenya iyo  Machad-ka Tababarka Shaqaalaha Rayidka ah ee Dowladda Puntland.

"Qofka Shaqaalaha ah hadii uusan tababar helin, waxaa dhacaysa in qofku uu u maleeyo in Hay'adda reerkiisa geeyeen in uu ka tagona ay adkaanayso, sida meelaha qaarkood ka taagan," ayuu yiri.

Isaga oo hadalkiisa sii wata, madaxweynaha ayaa raaciyey: "Sidaasi darteed muhiimad gaar ah ayuu inoo leeyahay machadka tababarka shaqaalaha rayidka ah ee Dowladda Puntland".

Deni ayaa Puntland ku hoggaamiyay Siyaasad lagu tayeynayo Dowladdnimada iyo adeegayaasha Bulshada, waxaa hore loo tababaray Ciidamada hadana Waxaana la billaabaya tababarista Shaqaalaha Rayidka ah ee Dowladda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM