Deni oo daahfuray machad shaqo muhiim ah qabanaya

Image
Image
Image
Image
Waxaa mashruucan iska kaashanaya Dowladda Puntland ee Soomaaliyeed iyo Dowladda Kenya.

GAROWE, Puntland - Madaxweynaha Dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Axadda maanta ah wuxuu si rasmiya ah u daah-furay Machad-ka Tababarka Shaqaalaha Rayidka ah ee Dowladda Puntland.

Machad-ka ayaa loo qorsheeyay sanadka u horeeya in uu tababaro 1,000 Shaqaale ah, kuwaasi oo macalimiintii tababari lahayd iyaga  waxbarasho loogu dirayo Kenya Bishan gudaheeda.

Waxaa mashruucan iska kaashanaya Dowladda Puntland ee Soomaaliyeed iyo Dowladda Kenya, iyadoo wada shaqeyn toos ah ay dhexmari doorto  Machad-ka Tababarka Shaqaalaha Dowladda Kenya iyo  Machad-ka Tababarka Shaqaalaha Rayidka ah ee Dowladda Puntland.

"Qofka Shaqaalaha ah hadii uusan tababar helin, waxaa dhacaysa in qofku uu u maleeyo in Hay'adda reerkiisa geeyeen in uu ka tagona ay adkaanayso, sida meelaha qaarkood ka taagan," ayuu yiri.

Isaga oo hadalkiisa sii wata, madaxweynaha ayaa raaciyey: "Sidaasi darteed muhiimad gaar ah ayuu inoo leeyahay machadka tababarka shaqaalaha rayidka ah ee Dowladda Puntland".

Deni ayaa Puntland ku hoggaamiyay Siyaasad lagu tayeynayo Dowladdnimada iyo adeegayaasha Bulshada, waxaa hore loo tababaray Ciidamada hadana Waxaana la billaabaya tababarista Shaqaalaha Rayidka ah ee Dowladda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM