Deni oo dadweynaha u diray fariin ku saabsan ka horagga Coronavirus

Image

GAROWE, Puntland – Madaxweynaha dowlada Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa Sabtida maanta ah wuxuu dadweynaha la wadaagay fariin muhiim ah oo ku saabsan ka hortagga faafitaanka Coronavirus.

Qoraal kooban oo lasoo dhigay barta Facebook ee Madaxtooyadda ayaa Deni looga soo xigtay baaqiisa ku saabsan fayruska.

"Caabuqa ‘Coronavirus’ waa khatar dunida ku soo siyaaday sidaas awgeed Dawladda Puntland waxay qaaday talaabooyin looga hortagaayo faafidda caabuqaan inuu dalka ku faafo," ayuu yiri.

Sidda ku xusan warka qoraalka ah, Deni ayaa dadweynaha ku booriyey in ay qaataan talooyinka caafimaad ee loo jeediyey.

"Dadka Soomaaliyeed gaar ahaan Puntland waxaan ugu baaqayaa inay qaataan talooyinka Hay’adaha Caafimaadka iyo Arimaha Gudaha ee Dawladda Puntland inta suurto gal ah," ayuu raaciyey.

Isagoo hadalkiisa sii wata, madaxweynuhu wuxuu soo bandhigay qaar kamid ah xeeladhaa bud-dhiga ah ee lagula dagaalami karo faafitaanka xanuunkaas kasoo bilowday bartamaha Shiinaha.

"Waan dareensanahay duruufaha dadkeena ku xeeran lakiinse waxaan ku baaqaynaa in la yareeyo; isu socodka laga maarmi karo, xafladaha iyo kulamada sida maqaaxiyaha iyo goobaha cibaadada," ayuu kusoo xiray hadalkiisa, sidda lagu sheegay bayaanka kooban.

Soomaaliya gaar ahaan Muqdisho ayaa waxaa laga soo wariyey saddex kiis oo cudurkaas ah. Balse, Puntland waxay hogaamineysaa maamulada aan wali soo warin marka laga reebo Somaliland oo tuhun uu jiro.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dhimasho ka dhalatay dagaal ka dhex-dhacay xabsiga dhexe ee Gaalkacyo

Dowladda iyo maamulka Gobalka mudug ayaan wali ka hadlin waxa ka dhacay jeelka.

  • Puntland

    02-05-2024

  • 11:22AM

Booliska iyo Shacabka Puntland oo dood adag ay dhexmartey

Kulanka ayaa ahaa mid is-xog-waraysi ah laguna xoojinayey wadashaqaynta iyo iskaashiga Amniga ee bulshada iyo booliska Puntland.

  • Puntland

    26-04-2024

  • 08:19AM