Deni oo digniin u diray Somaliland oo dhaqdhaqaaq ka wada Sanaag

Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland - Madaxwaynaha dowladda Puntland ayaa ka hadlay dhaqdhaqaaqa ay ciidamada Somaliland ka wadaan qaybo kamid ah gobolka Sanaag.

Saciid Cabdullaahi Deni, oo ka hadlayay Shirka Jihaynta siyaasadda xukuumadda cusub oo maanta Talaado ah ka furmay Garowe ayaa digniin u diray maamulka Hargeysa.

Deni ayaa tilmaamay dhaqdhaqaaqyada ciidamada maamulka gooni isu taaga ah ay kasoo horjeedeen dadaalada nabadeynta gobolka, oo ay garwadeen ka tahay beesha caalamka.

Isaga oo sii hadlaya ayaa wuxuu mar kale ku celiyay in Puntland ay diyaar u tahay daris wanaag iyo nabad ay kula noolaato dhigeeda.

Guud Shacabka reer Puntland ayuu cod dheer kaga dalbaday in ay si wadajir ah ugu istaagaan sidii ay u difaaci lahaayeen sharaftooda iyo dhulkooda.

"Cidii isku dayda xadgudub, [waxay] la kulmi doontaa waxay kasoo raadisay, wayna ka heli doontaa, haduu [ALLE] idmo," ayuu madaxwayne Deni raaciyay hadalkiisa.

Ciidamada Somaliland ee fariisimaha ka sameystay qeybo kamid ah gobolka Sanaag ayaa kasoo baxay jiidda hore ee tuulada Tukaraq ee gobolka Sool.

Lama ogga halka ay kusii jeedaan xoogagaasi iyo waxa uu yahay damacooda.

Gobolka Sanaag ee waqoyga dalka Soomaaliya ayaa waxaa qayb kamid ah maamula dowladda Puntland, halka qaybta kale ay qabsatay Somaliland.

HALKAAN KA DAAWO:

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Puntland oo heegan sarre gelisay ciidamadda milatariga

Taliyaha ciidamada difaaca dawlada Puntland General Aadan Cabdi Xaaji ayaa askarta u sheegay in ay u diyaar-garoobaan “shaqooyin qorsheysan”.

  • Puntland

    07-05-2024

  • 03:26AM

Puntland iyo Hay'adda FAO oo ka shiray xoojinta xiriir wadashaqeynta

Kulanka ayaa waxaa ka qeybgaley xubno ka mid ah Golaha Xukuumadda Puntland.

  • Puntland

    06-05-2024

  • 01:08PM