Deni oo digniin u diray Somaliland oo dhaqdhaqaaq ka wada Sanaag

Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland - Madaxwaynaha dowladda Puntland ayaa ka hadlay dhaqdhaqaaqa ay ciidamada Somaliland ka wadaan qaybo kamid ah gobolka Sanaag.

Saciid Cabdullaahi Deni, oo ka hadlayay Shirka Jihaynta siyaasadda xukuumadda cusub oo maanta Talaado ah ka furmay Garowe ayaa digniin u diray maamulka Hargeysa.

Deni ayaa tilmaamay dhaqdhaqaaqyada ciidamada maamulka gooni isu taaga ah ay kasoo horjeedeen dadaalada nabadeynta gobolka, oo ay garwadeen ka tahay beesha caalamka.

Isaga oo sii hadlaya ayaa wuxuu mar kale ku celiyay in Puntland ay diyaar u tahay daris wanaag iyo nabad ay kula noolaato dhigeeda.

Guud Shacabka reer Puntland ayuu cod dheer kaga dalbaday in ay si wadajir ah ugu istaagaan sidii ay u difaaci lahaayeen sharaftooda iyo dhulkooda.

"Cidii isku dayda xadgudub, [waxay] la kulmi doontaa waxay kasoo raadisay, wayna ka heli doontaa, haduu [ALLE] idmo," ayuu madaxwayne Deni raaciyay hadalkiisa.

Ciidamada Somaliland ee fariisimaha ka sameystay qeybo kamid ah gobolka Sanaag ayaa kasoo baxay jiidda hore ee tuulada Tukaraq ee gobolka Sool.

Lama ogga halka ay kusii jeedaan xoogagaasi iyo waxa uu yahay damacooda.

Gobolka Sanaag ee waqoyga dalka Soomaaliya ayaa waxaa qayb kamid ah maamula dowladda Puntland, halka qaybta kale ay qabsatay Somaliland.

HALKAAN KA DAAWO:

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo soo afjartay awooddii ciidamada isbarbar socda kaddib hawlgalladii Gaalkacyo iyo Boosaaso

Xogaha ayaa sheegaya in qorshaha dowladda muddo-xileedkeedu dhammaaday uusan …

  • Puntland

    07-08-2026

  • 04:51AM

Puntland oo qabatay 250 tuute oo ka yimid Galmudug kadib digniin ay dirtay

Puntland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe isku khilaafsanaa arrimo siyaasadeed iyo amni.

  • Puntland

    28-07-2026

  • 07:56AM