Deni oo doonaya in uu Boosaaso Colaad ka rido

Image

BOOSAASO, Soomaaliya - Magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari ayaa qarka u saaran in ay markale gasho walaac iyo xaalad kacsanaan ah kadib doonista madaxweynaha wakhtigiisu sii dhamaanayo, Siciid Deni uu ku adkaystay in uu khasab kula soo baxo Doorashada degmada.

Wasaarada Arimaha Gudaha ee dowlada Puntland ayaa maanta mar kale soo saartay hab-raaca Doorashada hogaanka degmooyinka ee kusoo baxay Doorashadii lagu muran-sanaa iyada oo ay iska diideen Ururada kula socda ururka Deni ee KAAH Doorashooyinkaan hubeysan.

Inta badan xubnaha golaha deegaanka ee Boosaaso oo gaaraya 22 xubnood ayaa iska diiday ka qayb galka waxa ay ugu yeereen Boob doorasho.

Mid kamid ah xubnaha golaha deegaanka ee kusoo baxay Doorashadii lagu muran-sanaa ee ururada qeyb ay qaadaceen oo GO la hadlay ayaa yiri "Anagu ma rabno in Boosaaso qalalaase loo horseedo. Xubnaha aan kamid ahay maka qayb galayno jujuub iyo ku shubasho sida laga soo arkay meelo kale".

Wasiirka Arimaha Gudaha Puntland, Abdi Farah Juxa ayaa u muuqda ilaa hadda mid iska indho tiraya dhacdooyinka banaanka usoo baxaya iyada oo Doorashada ay ka dhiman tahay wax ka yar 3 bilood.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM