Deni oo faray adkeynta amniga inta lagu guda jiro dabaaldega 1-da August

Image
Image
Image

GAROWE, Puntland - Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Axada maanta ah wuxuu shir guddoomiyey shirka Amniga Puntland.

Shirkan oo ka qabsoomay qasriga Madaxtooyada Garoowe waxaa qayb ka ahaa Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash.

Waxaa kale oo Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka ku wehelinaayey shirka Wasiirka Amniga, Taliyaha Ciidamada Daraawiishta, Taliyaha Ciidamada Booliska, Taliyaha qeybta gobolka Nugaal, Taliyaha Ciidamada Asluubta, Taliyaha Ciidamada Birmadka, Taliyaha CID-da, Taliyaha Ciidamada Madaxtooyadda, maamulka gobolka Nugaal, kan degmada Garoowe iyo masuuliyiin kale.

Ujeedka Shirka Amniga Puntland ayaa daaranaa is-xog-wareysi guud, dardargelin hawlgalada amniga lagu sugayo iyo u diyaar garawga Xuska Aasaaskii Puntland.

Deni ayaa ka dhegaystay Masuuliyiinta laamaha amniga warbixin la xiriirta Amniga iyo howlaha dardargelinta amniga ee ay hada-wadaan Ciidamadu, Waxaana ay sheegeen in xaaladda amni ee dhammaan degaanada Puntland ay wanaagsantahay.

Ugu danbeyn, Madaxweyne Deni ayaa faray Saraakiisha Ciidamada, iyo Masuuliyiinta laamaha amniga ee heer dagmo iyo heer Gobol adkeynta Amniga Guud, iyo si gaar ah in la xoojiyo amniga maalmaha lagu jiro Todobaadka Puntland iyo dabaaldegyada 1-da August, ee dhammaan ka dhacaya Gobollada kala duwan ee Puntland.

Puntland State House

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM