Deni oo furay kal-fadhiga 44-aad ee Golaha Wakiillada Puntland

Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland - Madaxweynaha dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa furay Kalfadhiga 44-aad ee Gollaha Wakiillada Dowladda Puntland.

Munaasibadda furitaanka oo si weyn loosoo agaasimay waxaa Madaxweyanaha ku wehelinaayey Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash.

Waxaa sidoo kale kasoo qeyb-galay masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha Dowladda, Madaxweynihii Hore ee Puntland, Ahna Sanator ka tirsan Aqalka Sare ee dalka Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud Faroole.

Madaxda Dhaqanka, wakiillada ururada bulshada rayidka ah, wakiilladda hey’addaha caalamiga ah, Qunsuliyada Dawladda Itoobiya ee Puntland, bahda Saxaafadda iyo masuuliyiin kale ayaa si lamid goobjoog ka ahaa.

Mas'uuliyiinta kasoo muuqatay madasha oo qaarkood jeediyey khudbado ayaa waxay kalsooni weyn ka muujiyeen in sharcidejiyayaasha ay waajibaadka u gutaan si wanaagsan.

Madaxweyne Deni ayaa rajeeyay inta lagu guda jiro kal-fadhigan ay mudaneyaasha u qabtaan dalka iyo dadka shaqo wanaagsan oo horseeda horumar iyo barwaaqo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM